Gabadh Jaariyad Ah Oo Si Xun U Garaacday Inan Yar Oo Ay Haysay Oo Maxkamad Ku Taala Kampala La Horkeenay. Akhriso/DAAWO

0
Monday December 08, 2014 - 23:21:46 in by salman abdi
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Jaariyad Ah Oo Si Xun U Garaacday Inan Yar Oo Ay Haysay Oo Maxkamad Ku Taala Kampala La Horkeenay. Akhriso/DAAWO

    Jolly Tamuhirwe oo ah Jaariyad u dhalatay dalka Uganda ayaa maanta la soo taagay Maxkamad ku taal Kampala, kadib markii lagu helay dambi ah inay si xun u garaacday gabadh 18-bilood jir ah oo ay heysay. Haween

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jolly Tamuhirwe oo ah Jaariyad u dhalatay dalka Uganda ayaa maanta la soo taagay Maxkamad ku taal Kampala, kadib markii lagu helay dambi ah inay si xun u garaacday gabadh 18-bilood jir ah oo ay heysay. Haween


 

eydan oo 22-jir ah ayaa laga yaabaa inay muteysato xabsi 15-sano ah, iyadoo ka soo muuqatay Video la soo dhigay baraha Bulshada, iyadoo aad u garaaceysay gabadh yar oo ay heyn jirtay.

Gabadha yar ayaa sida ay u jirdileysay gebi ahaanba suuxday, waxayna tani dad badan ku reebtay argagax iyo walaac.Aabaha dhalay gabadha yar oo lagu magacaabo Eric Kamanzi ayaa Kaamirada qarsoon ugu xidhay qeybta sare ee qolka fadhiga, kadib markii uu ogaaday in Jaariyadu ay mar walba garaacdo gabadha yar ee uu dhalay.


Muuqaalka ka soo baxay Kamaradi ayaa dad badan ka cadheysiiyay, markii ay gabadha yar si xun u jidhdishay, iyadoo garaacis iyo laad kala daashay, waxaana Garsoorayaashu ay sheegeen in labo maalmood dib loo dhigay maxkamadeynteeda.Haweeneydan ayaa Garsooraha Maxkamada uu weydiistay inay raali gelin ka bixiso falkii ay ku kacday, waxaana aabaha oo goob joog ka ahaa Maxkamada uu ahaa mid aad uga xumaaday falkan.

Contact@afkashacabka.com