Hordhac Group B CHampion League : Liverpool Oo Ku Qasban Inay Badiso Si Ay Ugu Soo Baxdo Wareega 16ka Iyo Real Madrid Oo Isha Ku Heysa Rikoor Cusub.

0
Tuesday December 09, 2014 - 08:53:58 in by Burco Office
  • Visits: 1577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac Group B CHampion League : Liverpool Oo Ku Qasban Inay Badiso Si Ay Ugu Soo Baxdo Wareega 16ka Iyo Real Madrid Oo Isha Ku Heysa Rikoor Cusub.

    Booskla wareega 16ka ee Champions League ayaa lagu tartami doonta marka kooxaha Group B ee Liverpool iyo Basel ay ku kulmaan Anfield caawa kulanka ugu danbeeya wareega group-yada Champios League. Iyadoo kooxda Switzerland ay labo dhibcood ka sareysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booskla wareega 16ka ee Champions League ayaa lagu tartami doonta marka kooxaha Group B ee Liverpool iyo Basel ay ku kulmaan Anfield caawa kulanka ugu danbeeya wareega group-yada Champios League. Iyadoo kooxda Switzerland ay labo dhibcood ka sareysay Liverpool Kooxda Basel ayaa u baahan dhibic ay ku hesho Anfield si ay ugu soo baxdo wareega xiga ee Champions League xitaa haddii ay badiso kooxda Ludogorets ee la kulmeysa Real Madrid madaama ay ka fiican yihiin kulamadii ay isku soo arkeen wareega group-yada.

UEFA-Champions-League-2014-15-Group-B-Stars-Wallpaper


Laakiin kooxda Liverpool waxaa qasab ku ah inay seddexda dhibcood ka qaataan Basel si ay u noqdaan kooxda kaalinta labaad uga soo baxda Group B ka dib Real Madrid, islamarkaana ay u soo gaaraan wareega 16ka Champions League markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2008-09.

Haddii ay badin waayaan waxa ay ku dhameysanayaan kaalinta 3aad ilaa iyo inta aysan Ludogorets ka dhibco badin.

2192878_w2

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool:Mignolet; Johnson,Touré, Škrtel, Manquillo; Gerrard, Henderson, Allen, Lucas, Sterling; Lambert.

Waxaa ka maqan: Balotelli, Sturridge, Sakho iyo Flanagan oo dhamaantood dhaawac ah.

Basel:Vaclík; Degen, Schär, Suchý, Safari; Delgado, Frei, Elneny; Gonzalez, Streller, Gashi.

Waxaa ka maqan:Ivanov iyo Sio oo dhaawacyo ka qaba jilibka.

MA OGTAHAY?

  • Kooxda Liverpool ayaa laga badiyay afar ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee Champions League ee ay ku ciyaareen garoonka Anfield.
  • Basel ayaa badisay todoba ka mid ah sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ay ciyaartay, iyadoo labo gool laga dhaliyay todobadii kulan ee ugu danbeysay.

Dhanka kale kooxda xilli hore sii xaqiijisatay booskeeda wareega 16ka islamarkaana kaalinta koowaad kaga soo baxday Group B ee Real Madrid ayaa iyadana caawa waxa ay martigelineysaa kooxda ugu hooseysa group-ka ee Ludogorets.

Real Madrid uma ciyaareyso dhibco laakiin waxa ay u ciyaarayaan caawa inay jabiyaan rikoorka Barcelona ee guulaha isku xigxiga ee ugu badan ee ay gaartay kooxda Isbaanish ah iyadoo labada kooxood ay haatan rikoorkaas ku hayaan 18 kulan oo isku xigta, Barca ayaana rikoorkaan hore u soo dhigtay xilli ciyaareedkii 2005-06.

Haddii ay caawa ka badiyaan waxa ay ka dhigeysaa inay guul gaareen 19 kulan oo isku xigta, waxaana ay noqonayaan kooxda kaliya ee Isbaanish ah ee abid sidaasi sameysa.

Waxa ay sidoo kale doonayaan inay guulo ku dhameystaan wareega group-yada, waxa ay soo wada badiyeen shantii kulan ee ay haatan soo ciyaareen, haddii ay haatan badiyaan waxa ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo ay rikoor 100kiiba 100 ku dhameystaan wareega group-yada tan iyo xilli ciyaareedkii 2011-12.

2192582_w2

SHAXDA MACQUULKA AH:

Madrid:Navas; Arbeloa, Varane, Nacho, Coentrão; Illarramendi, Kroos, Isco; Bale, Hernández, Ronaldo.

Waxaa ka maqan:James, Modtic iyo Khedira oo dhaawac ah, halka Sergio Ramos uu ganaax ku maqnaanayo.

Ludogorets: Stoyanov; Júnior Caiçara, Moţi, Terziev, Minev; Dyakov, Fábio Espinho, Abalo, Marcelinho, Misidjan; Júnior Quixadá.

Waxaa ka maqan: Bezjak oo dhaawac ah, halka Alexandrov uu shaki ku jiro taam ahaanshihisa.

Kulamada Group B waxa ay dhacayaan: 10:45 pm Saacada Geeska Afrika

.Contact@afkashacabka.com