Sanad guurada 9aal-jirsaday ee xuska 29 hidaar oo siwayn looga dabaal dagay maanta Guud ahaan Deegaanka Gaar ahaana xarunta deegaanka ee Jigjiga. Daawo Sawiro

0
Tuesday December 09, 2014 - 09:23:45 in by Burco Office
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanad guurada 9aal-jirsaday ee xuska 29 hidaar oo siwayn looga dabaal dagay maanta Guud ahaan Deegaanka Gaar ahaana xarunta deegaanka ee Jigjiga. Daawo Sawiro

    Jigjiga (afka) Munaasabadan oo ahayd mid si aad u qurux badan loo soo agaasimay oo ka dhacday hoolka shirarka ee Sayid M.C.X koofaha kanka iyo suugaantuna ay ku soo bandhigayeen hoose ka turjimaya ahmiyada ay 29 hidar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jigjiga (afka) Munaasabadan oo ahayd mid si aad u qurux badan loo soo agaasimay oo ka dhacday hoolka shirarka ee Sayid M.C.X koofaha kanka iyo suugaantuna ay ku soo bandhigayeen hoose ka turjimaya ahmiyada ay 29 hidar

saxane

u leedahay guud ahaanka qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ayaa waxaa ugu horayntii ka munaasabadan maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane cabdrisaaqa saxane.

2Wuxuuna si qoto dheer ugu nuux nuuxsaday ahmiyada munaasabadani ay u leedahay guud ahaan qoomiyadaha shucuubta iyo dadyowga dalkeena itoobiya gaar ahaana shacabka DDSI. Wuxuuna maayirku ka warbixiyay cadaadiskii iyo cabudhiskii ay xukuumadihii hore ee dhiigyo cabka ahaa ku soo hayn jireen shucuubaha dalkeena itoobiya sida gaarka ahna u cadaadin jiray shacabka deegaanka soomalida itoobiya.

4Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka soo jeediyay khudbad dheer oo ku qotonta xuska maalintan ka soo jeedisay ku simaha madaxwaynaha ahna madaxwayne ku xigeenka DDSI marwo Sucaad Ahmed Faarax, waxayna guud ahaan ugu hanbalyaysay munaasabadan qaaliga ah ah Darteed guud ahaan shacabka dalkeena itoobiya meel kasta oo ay joogaanba gaar ahaana Shacabweynaha DDSI oo ay maalintani xusuus gaara u leedahay kana dulqaaday heeryadii iyo cadadiskii Qowmiyadeed.

3Sidoo kale waxay si durugsan oo mug leh uga warbixisay qiima wayn ee ay maalintani ugu fadhido shacabka itoobiya gaar ahaana deegaanka soomaalida itoobiya oo wakhtiyadii cadaadiskii iyo cabudhisku gil gilay shacabka deegaanku uu ahaan xeryo mulatari oo kali ah balse markii laga ay iska tuureen shucuubta dalkeena itoobiya ay guud ahaana dalka ka curatay dimuqoraadiyad sinaan iyo horumar si wayn looga faa’iidaystay. Xukuumada degaanka aanay sanadihii hore uga faaiidaysan sida ay deegaanada kale uga faa’iidaysteen balse sanadihi ugu danbeeyay markii si balaadhan loo unkay xukuumad ay ka go’antahay hirgalinta qorshayaasha horumarineed oo aan soo noqod lahayn laga soo hooyay dhamaanba qorshayaasha horumarka guulo waawayn ee kor loogu qaaday dhaqaalaha deegaanka.

5Waxaa kale oo isaguna ka hadlay munaasabadan afhayeen ku xigeenka golaha baarlamaanka DDSI mudane cabdi cabdilaah. Wuxuuna ka hadlay meeqaamka ay maalintani ugu fadhido quruumaha qoomiyadaha shucuubaha iyo dadyowga dalka itoobiya gaar ahaana shacabka deegaanka somalid itoobiya. Wuxuuna afhayeen ku xigeenku ka warbixiyay xuskani waxa uu kaga duwan yahay xusaskii hore isaga oo sheegay in uu ku soo beegmay gabagabadii qorshaha shanta sano ee koboca dhaqaalaha oo guulo waawayn laga soo hooyay in uu ku soo beegay dhismaha biyo xidheenka dib u curashada Abay oo meel fiican maraya, xili uu nidaamka maanta jiraa uu xaqiijiyay in kala duwanaanshaha shucuunta dalka itoobiya uu yahay nidaaka isjacalka iyo adkaynta dimuqoraadiyada iyo horumarka maanta ka taam yeelay dalka itoobiay.

Munaasabadan oo halku dhigyo looga dhigay” Nidaamkeena Federaaligu waa aasaaska Midnimadeena iyo Wadajirkeena. Dastuurkeenu Wuxuu joogtaynayaa Sinaanshaha Qowmiyadaha iyo Diimaha. Sidaanu u Bilawnay ayaanu u Dhamaystiraynaa Abaay.Midnimada Midow-Qowmiyadadeedkeenu Waa Dibucurashadeena.

Dastuurkeenu Waa Dhagax-Dhiga aasaaska u ah Dibucurashadeena. Anagoo si dhab ah u Hanaaninayna Raadadkii Meles iyo Waxyaabihii Qaayaha lahaa ee uu Dhigay ayaanu xaqiijinaynaa Dibucurashada Itoobiya. Isu-dulqaadashadu Waa aasaaska Xoojinta Dimoqraadiyadeena.”.

jigjiga/Office

contact@afkashacabka.com