Ingiriiska : Xildhibaan Xili Shir Muhiim Ah Lagu Jiray La Arkay Isaga Oo Moobilkiisa Game Ku Ciyaaraya.

0
Tuesday December 09, 2014 - 09:36:51 in by Burco Office
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingiriiska : Xildhibaan Xili Shir Muhiim Ah Lagu Jiray La Arkay Isaga Oo Moobilkiisa Game Ku Ciyaaraya.

    Nin sii daayey sir ku aadan xildhibaan uu arkay isaga oo Ipad-kiisa ku ciyaaraya game caan ah oo la yidhaahdo Candy Crush ayaa waxaa ;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin sii daayey sir ku aadan xildhibaan uu arkay isaga oo Ipad-kiisa ku ciyaaraya game caan ah oo la yidhaahdo Candy Crush ayaa waxaa ;

dabagal ku haya qaybta nabadgelyada ee baarlamanka Ingiriiska.

Nigel Mills oo ah xildhibaanka la arkay isaga oo ciyaaraya gameka ayaa qirtay in uu ciyaaray laba game halkii uu dhegeysan lahaa khubaro cadaymo ka hor bixineysay kulan shaqo oo ay wada lahaayeen baarlamaanka iyo gudida qaabilsan arimaha dadka shaqooyinka ka gabooba.

 

unnamed

Xildhibaanka oo laga soo doortay Amber Valley ayaa kaamarad si dhow loogu qabtay iPaadkiisa isaga oo farihiisa ku ciyaaraya gameka isla marahaantaana tijaabinayey in uu darajo sare ka keeno gamekan loo yaqaano Candy Crush Saga.

Sawirka ayaa muujinaya in laba qof ay dabo fadhiyeen xildhibaanka , laakiin ma cada hadii ay iyagu sawirka ka qaadeen ama ay jiraan dad kale oo aaney kaamaradu arag oo iyagu sawirkan qaaday.

 

Xildhibaan Mills ayaa isagu raali gelin ka bixiyey in uu wakhti ku dhow 3 saacadood uu ku lumiyey ciyaarida game uu ku ciyaarayey iPadkiisa maadaama taasi aaney ahayn wax laga filayey qof baarlamaan ka tirsan oo loo soo doortay in uu dadka wax u qabto.

Xildhibaankan ayaan isagu waajahi karin talaabo dheeraad ah, laakiin qofkii sawirkan qaaday ayaa waxaa suurtagal ah in laga mamnuuco baarlamaanka taas oo ay sababtu tahay cabsi laga qabo in uu qaado sawirro aan la ogoleyn, weli waxaa socda baadhitaan lagu hayo qofkii sawirka qaaday.

Raisul Wasaaraha Ingiriiska David Cameron oo isaga lagu yaqaano in uu jecelyahay geymamka lagu ciyaaro iPadka ayaa yidhi sidan : "Lama hadal Nigel Mills, laakiin waxaan hubaa in ay tani si weyn u taabatay;

Afkashacabka.com

Contact@afkashacabka.com