Nin Ka Mid Ahaa Dadka Xayawaanka Ilaaliya Oo Uu Mas Liqay, Saaxiibadiina Ay Caawin Kari Waayeen;

0
Tuesday December 09, 2014 - 09:50:42 in by Burco Office
  • Visits: 1449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Ka Mid Ahaa Dadka Xayawaanka Ilaaliya Oo Uu Mas Liqay, Saaxiibadiina Ay Caawin Kari Waayeen;

    Nin Maraykan ah oo ka shaqeeya arimaha xayawaanka ayaa la sawiray isaga oo uu nolosha ku cunayo xayawaan;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Maraykan ah oo ka shaqeeya arimaha xayawaanka ayaa la sawiray isaga oo uu nolosha ku cunayo xayawaan;

muuqaalo naxdin badan oo ku aadan sida masku uu u cunayo ninkan ayaa laga baahiyey qaar ka mid ah telefishinada.

Muuqaaladan naxdinta badan ee laga sii daayey telefishinka Discovery channel ayaa ka danbeeyey ka dib markii 27 jirkan oo la odhan jiray Paul Rosolie oo ay weheliyaan 10 nin oo xooggan isaga oo asxaabtiisu arkeyso uu cunay mas aad u weyn meel u dhow webiga Amazon.

 unnamed

Ninkani wuxuu xidhnaa maryo adag oo madow ah, harag adag oo ah ka doofaarka iyo sidoo kale qalab adag oo uu aaminsanaa in ay ka difaaci karaan qaniinyada xayawaanka , waxaana isla markiiba uu ku dhaqaaqay xayawaanka xoogga weyn xili kaamaradu haysay xaaskiisuna ay daawaneysay.

Maskan oo loo yaqaano anaconda oo ka mid ah noocyada xayawaanka ee dunida guud ahaan sida weyn looga baqo ayaa wax ilbidhiqsi ka yar gudahood isku duuduubay ninkan oo dhererkiisu gaadhsiisnaa 5ft9ins waxaana uu isku jajabiyey ninka jidhkiisii iyo qalabkii adkaa ee loogu talagalay in uu qaniinyada isaga ilaaliyo.

Si kasta oo ay ahaato Mr Rosolie markii uu dareemay in qalabkii adkaa ee uu soo xidhay la burburiyey wuxuu amray dadkii la socday oo isugu jiray dhakhaatiir,dadka cilmiga xayawaanka yaqaana iyo sidoo kale dhakhaatiirta xayawaanka in ay bedbaadiyaan- xiligaas oo madixiisu uu ku dhexjiray gawsaha xayawaanka.

Daqiiqado gudahooda intii uu socday muuqaalkan oo loogu magac daray " nin nolosha lagu cunayā€¯, dadka ku nool guud ahaan Maraykanka ayaa durbadii ku yaacay baraha bulshadu kuwada xidhiidho si ay u muujiyaan naxdinta iyo argagaxa ay kala kulmeen muuqaalkan;

Afkashacabka.com

Contact@afkashacabka.com