Sumal xadka Suugaanta Soomaalida iyo Warbaahinta Dowlad Deegaanka Soomaalida !!!!

0
Saturday March 15, 2014 - 08:24:37 in by Super Admin
  • Visits: 1988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sumal xadka Suugaanta Soomaalida iyo Warbaahinta Dowlad Deegaanka Soomaalida !!!!

    Waagii hore waxa jiri jiray inta uu qof dadka qayla dhaan kula soo dhex dhoco ayuu odhan jiray maanta waxaan soo arkay tixdii hebel oo dawoco dabada haysato isgoo xoog u qaylinayana ama korna ugu dhawaaqaya waar hayaay hayaay tixdii hebel dawacaa cu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagii hore waxa jiri jiray inta uu qof dadka qayla dhaan kula soo dhex dhoco ayuu odhan jiray maanta waxaan soo arkay tixdii hebel oo dawoco dabada haysato isgoo xoog u qaylinayana ama korna ugu dhawaaqaya waar hayaay hayaay tixdii hebel dawacaa cuntayeey!!!!

Akhyaarta mareegtan  iyo axbaabta kale ee kutaxan aad iyo aadbaan idin salaamayaa intaa iyo in kabadanba oo aanan soo koobi Karin Salaan kadib,
 
run ahaantii eeggan maanta ah waxaan wali la amankaagsanahay bililiqada suugaanta ku socota  Waxaanan odhankaraa  suugaantii waa la sumal xaday,waxaa jira idaha xili wanka lagu sii daayo haddii xili aan loogu talagalin uu helo kolkaas ayaa layidhahdaa sumal xad, aamusnaanteena iyo indha adayga ilbaxnimada labiday ayaana u aabbe ah  Sumal xadka suugaanta soomaalida ee kasocota meelkasta iyo tan Warbaahinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Etoobiya,
 
Waagii hore waxa jiri jiray inta uu qof dadka qayla dhaan kula soo dhex dhoco ayuu odhan jiray maanta waxaan soo arkay tixdii hebel oo dawoco dabada haysato isgoo xoog u qaylinayana ama korna ugu dhawaaqaya  waar hayaay hayaay tixdii hebel dawacaa cuntayeey!!!! wxa kale oo iyana jirtay in lagu karbaashi jiray qofka suugaanta meel uga dhaca waana  la qaybi jiray si aanay u lumin waa halka maanta inaga qalinku inuugu jiro oo waa kii sayidkuba lahaa
"waxa gabayga loo qaybayaa waa qorshaysani”  waxa jira ragbadan oo liiska kaga baxayi intuu xeerkeeda iyo xakamaheeda waydaartay jwaxaas oo dhan waa lasoo waydaartay tixdu dhacdo iyo wakhti  ayay lahayd waaya arag la waaya ah guurti  iyo  waxgarad warlooga qaateena ayaa tirin jiray ama tabin jiray, dadkuna in tirisa iyo in tabisa ayuun buu ahaa suugaan dhaadhi kala saara ayay lahayd mid turjuma mid turxaan bixiya iyo mid taariikhda ku suntadaba lamakala lahayn,sidoo kale abwaanka tiriyaana wuu ku suntanaa ee anaa leh  looma tirin jirin iga geedana ma ahayn, nin waliba wax qiima gala ayuu lagolo iman jiray,  waana lagu kala danbayn jiray  oo horaaba loo yidhi "Ereyna lakala odhan og eebbana lakala baryi og’’
Afaray ayaa ugu  horayn laga unki jiray halkaas ayayna taranteedu kasii tafiirmi jirtay hees ciyaareed Hees caruureed, Hees koolkoolineed,hees hawleed, buraanbur,Masafo, Geeraar iyo gabay ayuunbay ukala bixi jirtay siday ukala danbeeyaan ayayna ukala mudnaayeen ragu gabayga iyo geeraar ayuu gole ka fuuli jiray Marmarna masafo,Duco,Alle bari,Nabbi amaan,waano iyo wacdi ayay lahayd,
 
Dumarkuna Buraanburka ayuu u badnaa inta heellada ama Hees ciyaareedka oo jaadad badan ah fagaareha raggaa ku cadcadaa  lamase kala lahayn, Hees koolkoolineedka dumarka ayaa mudanka lahaa oo ubadka ugu heesi jiray waliba Hees hawleedkana iyagaa mudanka lahaa Caruurtuna Heeso gaarabay lahaayeen sida heesaha, maqasha, adhiga,mullaaxinta ama maydhax diirashada iyo heeso meexaaneed kale iyo maaweeladaa ayay lahaayeen,
 
Sidoo kale Abwaan markahadal ah ayaa  jiri jiray  ninka xilkaska ah waaya araga ah ee sooyaalka ummadda haya dad iyo dalba ku fogaaday,ereyna aanu erey kaga oodmin ayuu ahaa looguna  yeedhi jiray muse ahayn sida dadku iminka uyaqan walina  abwaanad da yar maanmaqal iyo mid  marwooyinka hore loogu yeedhyo, haddaan u gonda dego ujeedada qormadaydan Habeenkii bishu ahayd 12-03-2014 ayaan daawaday TVGA DDSI kaas oo uu kasocday bandhig faneed dalkaasi lagu qabtay wax lawadaba waxaa masrixii soo istaagay gabdh kamida tartamayaashii lana waydii waxa ay ku tartamayso,
 
waxayna ku jawaabtay waxaan ku tartamayaa gabay layidhaahdo Galiilyo oo tahriibta ka hadlaya ana is idhi maxaa isku beegay magaca iyo mawduuca gabaygan gabadhu sheektay iyo maansada aan aqaanay ee weedhsame waxaanse amakaagay markay sii guda gashay ee maansadii Xassan Daahir Ismaciil "Weedh-same” dabada qabsatay,
Wedkana gamaskii ma iisho
Gaashaan celiyaa ma baajo
Ishaa gabadheed ma daaho 
Ninnaba gabbalkii ma waaro 
Wax aan hubo geeri kow dheh. 
Taniyo anigoo gurguurta
Ilaa maantoo gadh leeyey
Waaba  yaabe gabadha meeriskan danbe miyuu kadhuuntay mise gadh bay lahayd kolay anugu gabadhii aan arkaayey gadh malahayn sidaan markaa ugu qaataa inay iyadu maansadan tirisay, haddii aan ku idhaahdo ilaa manta oo aan timo tidcanahay sow yaabi  maysid balkawaran gabadh tidhi ilaa maanta oo aan gadh iyo shaarbo leeyahay,
Waxaanse yaab daayeyba markii Garsoorayaashi iyo guddidii qiimaynaysay ninkii ugu waynaa oo aan islahaa waaba lagu jiraa Abwaana lagu sheegay uu yidhi haa baan leeyahay way  fiicantahay, kii kuxigay ayaa isna haa yidhi, kii saddexaad ayaa isna amaan ulasii baxayba walaw uu xusay inay tahay maanso aad moodo inay ka da wayntahay,
 
Wixii habeenkaa dhacay ma ahayn wax laqaadan karo qof waxaanu lahayn ku tartamaya oo waliba lasoo taagan anaa leh,intii aan arkayey hal hees ayaa laqabtay dhalinyaradii waxay doonaanba ha lashir yiaamaadaane waxaa yaab dhigay odayada u soo tafaxaytay ee yidhi bandhig ayaad ku tartamaysaan oo ma bandhig bililiqaa iyo suugaan booliya ayay ku tartansiinayaan,bal haba qiimeeyaane miyay qiimo rideen mise way qiimo galiyeen,
kolay  qiimaynta meesha kasocotay cadaalad way kafogayd cida wax qiimaynaysayna waxaaba la odhan karaa aqoon iyo waayo argnimo toona umalahayn hawsha ay gacanta kula jireen kii xidhiidhiyaha u ahaa ayaan isna si niyad dhis leh ula dhaqmin dhalinyarada tartamaysay turbaadhin iyo turunturayn ayaa meesha kuwii layidhi maydin guulaysan lagaga saaray,guntii iyo gabagabadii TVGA Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa looga fadhiyaa inuu maansadaa cidii lahayd sida runtu tahay u soo tabiyo raali gallin iyo xaal marina kasiiyo Hal abuur weedhsame, waxaan sidoo kale ku bogaadinayaa Dowlad Deegaanka Soomaalida kaalinta hal doorka ah ee ay kaqaadatay soonoolaynta Hiddaha iyo dhaqanka soomaalida, Waxaan kaloo ku  hambalyaynayaa  Hal abuurka,qorayaasha iyo dhalinyaradeenaba   xaquuqda suugaanta ee ay xafideen  in lagu xadgudbana ka xarbiyeen    
 
 


 
W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Cali Ubaxle
                                                   Email:Ubaxle@yahoo.com
                                      Phone:-0634476687 / +2527-9314297