Barcelona Oo Camp Nou Cashar Lama Ilaawaan Ah Ugu Dhigtay PSG, Xili Ay Kaalinta Koowaad Kaga Soo Baxday Group F

0
Thursday December 11, 2014 - 01:14:16 in by Burco Office
  • Visits: 1481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Camp Nou Cashar Lama Ilaawaan Ah Ugu Dhigtay PSG, Xili Ay Kaalinta Koowaad Kaga Soo Baxday Group F

    Kooxda Barcelona ayaa guul muhiim ah Camp Nou kaga gaadhay kooxda PSG oo marti ugu ahayd, waxayna guushan ku gaadhay 3:1, waxayna goolashana uga mahad celinaysaa saddex xagasha weerarkeeda MSN. Messi , Neymar iyo Suarez ayaa markii ugu horaysay kulan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Barcelona ayaa guul muhiim ah Camp Nou kaga gaadhay kooxda PSG oo marti ugu ahayd, waxayna guushan ku gaadhay 3:1, waxayna goolashana uga mahad celinaysaa saddex xagasha weerarkeeda MSN. Messi , Neymar iyo Suarez ayaa markii ugu horaysay kulan goolal ka wada dhaliyay halka uu Suarez goolkiisii ugu horeeyay Camp Nou ku dhaliyay. Kooxda Barcelona ayaa gurigeeda Camp Nou ku soo dhawaysay kooxda PSG, waxayna Barca ka fikiraysay inay PSG kala baxdo kaalinta kowaad ee Group F kaas oo ay kulankan ka hor PSG hal dhibic ka saraysay Barcelona.

barca


Barcelona ayaa sida caadada u ah bilawgii ciyaartaba kubbada maamulkeeda la wareegtay halka PSG ay ay ku dadaalaysay inay difaac ku jirto isla marka ay kubbada heshana ay Barcelona ku qaado weerar deg deg ah.

PSG ayaana daqiiqadii 15 aad heshay fursadeeda ay goolka furitaanka kula timid, waxaana goolkaas u dhaliyay ciyaartoygii hore ee Barcelona Ibrahimovic, kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay PSG hogaanka kula wareegtay. Ibrahimivic ayaana ka isaga oo ku jira xerada ganaaxa  Barcelona uu kubbad u soo joojiyay Blaise Matuidi.ibra

Laakiin hogaanka ay PSG la wareegtay ayaan noqonin mid sii waara, waxaana Ibrahimovic u si deg deg ah ugu jawaabay Lionel Messi kaas oo Barcelona u dhaliyay goolkeeda barbaraha, isaga oo ciyaarta u badalay barbaro 1:1 ah. Messi ayaana goolkan ku dhaliyay kubbad uu meel fog ka soo tuuray Mascherano isla markaana uu Luis Suarez goolka soo hormariyay.ciyaarta ayaana noqotay mid xiisaheedu cirka isku sii shareertay. Goolka uu Messi dhaliyay  daqiiqadii 19 aad ayaana ahaa gookiisii 75 aad ee Champions Leaqeuga.Messi

Daqiiqadii 41 aad ayuu Neymar kooxdiisa Barcelona hogaanka u dhiibay kadib markii uu  u dhaliyay gool cajiib ah, wuxuuna natiijada ciyaarta u badalay 2:1 ay Barcelona hogaaka kula wareegtay. Neymar ayaana kubbad uu khadka dhexe kaga soo qaatay Andrés Iniesta inta uu la soo dhex orday PSG ayuu isaga oo ka baxsan xerada ganaaxa PSG ayuu kubbad gantaal ah ka dhaliyay kooxda martida ahayd.Neymar

Markii layskugu soo laabtay ayay Barcelona halkii ka sii waday qaab ciyaareedkii fiicnaa iyo maamulkii ay kubbada ku haysay qaybtii hore ee ciyaarta waxayna goolka niyada ka dilay PSG la timid daqiiqadii 78 aad, waxaana Barcelona goolkiisii kowaad ee Camp Nou uu ku dhaliyo u saxiixay Luis Suarez.ciyaarta ayaana noqotay 3:1 ay Barcelona hogaanka ugu raaxaysanaysosuarez

Luis Suarez oo kulankii Ajax dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee uu Barcelona u dhaliyo ayaa kulankana dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee uu ku dhaliyo garoonka Barcelona ee Camp Nou, wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad uu Neymar ku laagay goolka PSG taas oo goolhayaha ka soo booday. Jawiga Camp Nou ayaana markaliya isbadalay, waxaana goolka Suarez loogu dabaal  dagay si aan loogu dabaal dagin goolasha Messi iyo Neymar.suarez2

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3:1 ay Barcelona ku xaaqday PSG. Barcelona ayaana Group-F kaga soo baxday kaalinta kowaad halka PSG ay kaalinta labaad kaga soo baxday.Barcelona ayaa 1o sano oo isku xigta group keeda kaga soo baxaysay kaalinta koowaad.

contact@afkashacabka.com