Isu-Socodka Gaadiidka Caasimada Hargeysa Oo Maanta Si Adag Loo Xanibay iyo Mushkilada ay Kala Kulmeen Gaadiidka Qaada Ardeyda Iskuulada

0
Thursday December 11, 2014 - 14:26:43 in by Hargeysa Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isu-Socodka Gaadiidka Caasimada Hargeysa Oo Maanta Si Adag Loo Xanibay iyo Mushkilada ay Kala Kulmeen Gaadiidka Qaada Ardeyda Iskuulada

    Isu-Socodka Gaadiidka Caasimada Hargeysa Oo Maanta Si Adag Loo Xanibay iyo Mushkilada ay Kala Kulmeen Gaadiidka Qaada Ardeyda Iskuulada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isu-Socodka Gaadiidka Caasimada Hargeysa Oo Maanta Si Adag Loo Xanibay iyo Mushkilada ay Kala Kulmeen Gaadiidka Qaada Ardeyda Iskuulada




Hargeysa(afkashacabka.net)-Qiyaastii saacado ku beegan Xiliga rawaxaada Dugsiyada
waaweyn ee caasimada Hargeysa gaar ahaana jidka wadada qeybtiisa
Galbeed ee taga Xaafada Jigjigayar, islamarkaana hormara Huteel
Guuleed iyo nawaaxigiisa ayaa la xanibay maanta xili ku beegan
saacadii rawaxaada kadib markii jidka loo xanibay Gaadiidka
Masuuliyiinta Xukuumada oo ka qeyb galay Xaflad lagu qabtey Huteelka
Guuleed oo ku sahabsaneyd Shirweynihii Dalada Dhalinyarada Somaliland
ee Sonyo.




Halkaas oo Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa Ardeyda ka rawixiya Dugsiyadu
kala kulmeen cadibaad culus maadaama ay xanibnaayeen saacado badan
iyadoo Gaadiidku u wareegay jidka hormara Saldhiga Ibraahim Koodbuur
ee Magaalada Hargeysa islamarkaana, ay halkaasi ka dhasheen haadad
aanu qaadi karin Jidku oo ay




isku cidhiidhyeen Gaadiid aad u tira
badan inkastoo aanu jirin khasaare ka dhasahey xanibaada Gaadiidka
hadana, waxa ay abuurtey saxmad badan iyo in ay Xidhmaan jidadka
Xaafadaha Galbeedka Caasimada Hargeysa iyo Huteelka Weyn ee Maansoor
iyo nawaaxigiisa,sidoo kalena waxa ku xanibmay jidkan Gaadiidka iskaga
goosha Caasimada Hargeysa iyo Magalooyinka Galbeedka.



Shabakada Wararka hadhwanaagnews oo u kuurgashey halista ay sababi
gaadhey xanibaada jidkani,ayaa la kulmay noocyada kala duwan ee
Gaadiidka Waaweyn ee xamuulka,basaska Ardeyda iyo rakaabka qaada,
booyadaha Biyaha dhaamiya kuwa Shidaalka,tagaasida yaryar ee
dadweynaha gura,Gaadiidka Hay,adaha iyo shaqaalaha laamaha dowlada,iyo
kuwa madaxa banaan ee bulshadu wadato intaba, Waxaaney aheyd
xanibaadani saxmadii ugu xumeyd ee Nooceeda ah oo ka dhacda Caasimada
Hargeysa, maadaama jidka wadnuhu yahay, jid halbowle u ah isusocodka
Gaadiidka Caasimada iyadoo mararka qaarkii marka Madaxweyne Siilaanyo
meel u socdaalayo la xanibi jirey isgoyska Wasaarada Arimaha Gudaha
iyo ilaa Qasriga Madaxtooyada, oo laga xidho labada dhinac ee
ishaarada u dhow Cusbitaalka iyo Isgoyska Arimaha Gudaha inkastoo ay
culyas ku keeni jirtey xanibaadaasi Gaadiidka hadana, waxa ay taasi
mar walba kaga fududeyd jidka la xanibay maanta fursadaha jidadka
cidhifyada ka mara oo badan awgeed waxaana siweyn u dareemay Xanibaada
maanta ay Gaadiidka dadweynaha xanibeen Ciidamada Laanta Ilaaada
Wadooyinku Gaadiidka dadweynaha iyadoo ku beegnayd saacadihii ugu
xumaa ee rawaxaada waxaana siweyn uga cowdey talaabooyinka noocan ah
Guud ahaanba Bulshada,maadaama ay halis galeen Gaadiidka basaska
rawixiya Ardeyda Dugsiyada oo aan xiliyadaa awoodin samirka wakhtiga
uu furmayo jidku waxaana,halis badan abuuri gaadhey xanibaada jidkan
tagaasida yaryar ee loo yaqaan tukhaanka oo iyagu wakhtiga ka
faa,ideynayay islamarkaana ay wataan had iyo jeer dirawaliin aan aqoon
badan u laheyn wadista Gaadiidka.



Sikastaba ha ahaatee,inkastoo Gaadiidku maalinba maalinta ka dambeysa
kusii kordhayo Caasimada Hargeysa,islamarkaana, aanay marka horeba
jirin jidad waaweyn oo laga badbaadi karo culayska Gaadiidka ayaa,
hadana xanibaadaha noocani ahi halis badani ku gedaaman tahay, iyadoo
shilalka Gaadiidka ee ka dhaca Caasimada Hargeysa sahaale u badan
yihiin marka laga reebo tagaasida yaryar oo fara baas ku haya
Gaadiidka kale.







AFKASHACABKA
OFFICE : HARGEISA