Xog-Hayaha Xuquuqul Insaanka Ee Ucid Oo Xukuumada Ku Tilmaamay Mid Ku Hafatay Cadaaladii Shacabku Ay U Doorteen Uguna Badasha RRU.

0
Thursday December 11, 2014 - 21:18:39 in by salman abdi
  • Visits: 791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog-Hayaha Xuquuqul Insaanka Ee Ucid Oo Xukuumada Ku Tilmaamay Mid Ku Hafatay Cadaaladii Shacabku Ay U Doorteen Uguna Badasha RRU.

    Xukuumada Maanta Dalka ka Talisaa Ee muwaadiniita ula dhaqantaa Qaabka Argagixisada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Maanta Dalka ka Talisaa Ee muwaadiniita ula dhaqantaa Qaabka Argagixisada



Hargaysa(AFKA)Xog-hayaha Xuquuqul insaanka Ee Xisbiga Mucaaradka ah ee ucid Xuseen Xasan Badmaax oo maanta qaar ka tirsan saxaafada kula Hadlayay Ayaa ka hadlay Maalinta Xuquuqul insaanka somaliland.

waxa uu sheegay in Xukuumadani Ay ku Hafatay in ay Dalka Cadaalada ku Maamusho,waxaana uu dhaleceeyey Ciidanka RRU oo uu ku tilmaamay Mid Shaqadii loo Abuuray Ay xukuumadu ka duday.

Sidoo kale waxa uu shacabka somaliland usoo jeediyay in Ay Xukuumada ku ridaan Sida uu sheegay Gacantii Ay ku doorteen waxaana uu yidhi.

"Waxa ay Xukuumadani Aastay God Madawna Ay ku riday Xuquuqdii Dadka Shacabka Saxaafadii,waxaana ay u samaysatay Danaha Reer Galbeedka Ay dalka Ka leeyihiin Iyada oo Xukuumadu Fulinaysa,Ciidanka Ay reer Galbeedku Maamulaan ee loo yaqaano RRU Ee loogu talo galay Ladagaalanka Argagixisada,waxaana Nasiib Daraa In ay xukuumadu u Adeegsato Muwaadiniinta Iyo Saxaafada.

 

Xog-hayaha Xuquuqul insaanka Ee Xisbiga Mucaaradka ah ee ucid Oo Hadalkiisa Siiwata Ayaa intaas waxa uu raaciyay.

"Xukuumada Maanta Dalka ka Talisaa Ee muwaadiniita ula dhaqantaa Qaabka Argagixisada,waxa ay diiday isna Hor Taagtay Qodob ka Mid Ah Dastuurka Somaliland oo Qofka Muwaadinka Ah xaq u siinaya in Diidmada Ay xukuumada ka diidan Amarada Khaldan in ay Mudaharaad ku muujiyaan Dastuurka Somaliland Xaq u siiyay,Xukuumaduna way cadaysatay waana ay Diiday.

Xuseen Xasan Badmaax waxa kale oo uu iftiimiyay Xaquuqul insaanka Ay Xukuumadu isku koobtay Sidaan loo sheegin Xaq-darooyinka Iyo sida uu sheegay Cadaalad Darooyinka Xukuumada.

"waxa Ayaan Daro ah oo dhagaheena ka batay Maalim kasta saxaafada sida Xaq darada Ah ee xabsiyada loogu Buuxiyay,waxa kale oo Ayaan daro ah dhalinyaradii oo shaqo La’aani Kaw Kaga siiyay Miciina Biday Tahriibtay iyo Qorshe La’aanta Xukuumada Ka haystay oo waliba Ay ugu dartay Xasbiyada in ay ka buuxiso.

waxa uu shacabka somaliland ugu baaqay in ay Gacantii Xukuumadan ugu Codoyeen ku ridaan waxaana uu yidhi.

"Waxaan Shacabka Somaliland Leeyahay Meel kasta oo ay joogaan Xukuumada Aan waxba La hadhayna ee Shacabkii Gumaaday sidii Aynu Gacanteena ugu soo saarnay Maantana Aynu u midawno Sidii Aynu u ridi Lahayn Xukuumada Maanta Dalka Maamush. 




Contact@afkashacabka.com