Madaxweynaha Dalka Zimbabwi Oo Shaqadii Ka Caydhiyay Gabadhi Ku-xigeenka U Ahayd Iyo Sababaha Lala Xidhiidhinaayo.

0
Thursday December 11, 2014 - 21:31:06 in by salman abdi
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dalka Zimbabwi Oo Shaqadii Ka Caydhiyay Gabadhi Ku-xigeenka U Ahayd Iyo Sababaha Lala Xidhiidhinaayo.

    Robert Mugabe oo ah Madaxweynaha Dalka Zimbabwi, isla-markaana ah Madadweynaha Dunida ugu Muddada dheer ayaa shaqadii ka caydhiyey Haweenaydii Ku-xigeenka u ahayd oo ah Joice Mujuru.Mr Mugabe ayaa sheegay inay Haweenaydan ku-xigeenka u ahayd ay Ku ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Robert Mugabe oo ah Madaxweynaha Dalka Zimbabwi, isla-markaana ah Madadweynaha Dunida ugu Muddada dheer ayaa shaqadii ka caydhiyey Haweenaydii Ku-xigeenka u ahayd oo ah Joice Mujuru.Mr Mugabe ayaa sheegay inay Haweenaydan ku-xigeenka u ahayd ay Ku kacday Musumaasuq baahsan iyo Inqilaab isaga ka dhan ah.



 

Casilaada Madaxweyne kuxigeenka ayaa salka ku heysa qorshaha ay wadato Xaaska Madaxweyne Mugabe oo ah inay isaga Dabadii noqoto Madaxweynaha dalkaasi.


Mugabe, warkan ayey ku shaacisay shir ay isugu yimaadeen dadkii kasoo qeyb qaatay gobanimo doonkii dalka Zimbabwe oo intooda badani saaxiib dhaw la ah Madaxweynaha dalkaasi oo isagu sii luminaya Sii ahaanshaha Hoggaamiyaha dalkaasi.

Madaxweyne Robert Mugabe oo dalka Zimbabwe kasoo talinayey tan iyo wakhtiguu dalkaasi xoriyada qaatay ayaa hada ah 90 sano jir, isla markaana marar badan arrimo caafimaad dibada u aaday. Mugabe ayaa wakhtigiisa xilka uu ku egyahay sanadka 2018.

Xaaska Madaxweyne Mugabe oo iyadu ah 49 sano jir ayaa dhawaan loo magacaabay Guddoomiyaha Haweenka ee Xisbiga talada haya ee ZANU PF, Grace Mugabe ayaa bilihii lasoo dhaafay waday safar ay ku tageysay gobalada dalka Zimbabwe taasi oo ay taageero ku raadineysay.

Grace Mugabe ayaa hore ugu baaqday Madaxweyne kuxigeenka Zimbabwe Joice Mujuru oo iyaduna ah qof haween ah inay xilka isaga degto.Madaxweyne kuxigeenka xilka laga qaaday Joice Mujuru oo ah qofka bedalilahaa Madaxweynaha sida sharciga yahay ayaa diiday inay xilka u baneyso xaaska Mugabe. Sidoo kale qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada ayaa xilalka laga xayuubiyey waxaana lagu wadaa inuu dhawaan uu Madaxweyne Mugabe magacaabo Madaxweyne kuxigeen cusub.



Contact@afkashacabka.com