Cabdi Good Iyo Abwaan Xasan Weedhsame Oo Uu Ururka Haya Gudoonsiiyey Abaalmarino.

0
Thursday December 11, 2014 - 21:37:35 in by salman abdi
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Good Iyo Abwaan Xasan Weedhsame Oo Uu Ururka Haya Gudoonsiiyey Abaalmarino.

    ururka HAYA oo ka jira dalkaasi UK magalada London oo sannad walba Abaalmarino gudoonsiya shaqsiyaadka uu u garto ee ku hadasha Afka Somaliga Xaflada sannadkan ayuu ururkan HAYA wuxuu abaal-marin kala duwan gudoonsiiyey Ganacsato,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ururka HAYA oo ka jira dalkaasi UK magalada London oo sannad walba Abaalmarino gudoonsiya shaqsiyaadka uu u garto ee ku hadasha Afka Somaliga Xaflada sannadkan ayuu ururkan HAYA wuxuu abaal-marin kala duwan gudoonsiiyey Ganacsato,

Aqoonyahano, Fanaaniin, Abwaano, Ciyartooy iyo dad kala duwan oo Sumcad iyo Maamuus ku dhex leh bulshada Soomaalida.

 

Dadka abaal-marinta la gudoonsiiyey waxaa kamid ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen "CABDI GOOD” oo Barnaamijka Isir-Raaca Afka Soomaaliga kasoo jeediya TV-ga Somali Channel .

Ururka HAYA ayaa Cabdi Good waxey u aqoonsatay "Man of the Year” waxeyna Abaal-marinta la siiyay lagu tilmaamay mid uu ku muteysay dadaalka culus ee uu ugu jiro sidii loo soo nooleyn lahaa Suugaanta Soomaalida .

Cabdi Good oo hadalo ka jeediyay madasha ayaa wuxuu u mahadceliyay ururka HAYA oo ku tilmaamay mid ku dayasho mudan, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay abaal-marintaan u tahay dhiira-galin isla markaana uu mar walba u taagan yahay sidii loo soo nooleyn lahaa Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida.

Sidoo kale, waxaa abaal-marino la guddooniyay Abwaano iyo Fanaaniin Soomaaliyeed oo Jabuuti iyo Somaliland ka kala yimid kuwaasoo ay kamid ahaayeen Abwaan Xasan Daahir Weedhsame, Fanaanada Aamina Faarax Waber Iyo Fanaanka Shey Mire Dacar.



Contact@afkashacabka.com