..Sadkaaga Waa Loo Sahan Tagaa……"Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi

0
Friday December 12, 2014 - 09:02:20 in by Burco Office
  • Visits: 623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ..Sadkaaga Waa Loo Sahan Tagaa……"Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi

    Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan oo Soo Dhigay Bartiisa Facebook Qoraal kooban oo uu kaga hadlayo Kormeer ay shalay ku tageen Waddooyin si casriya loo dhisayo oo ka socda Dalka waxanu qoralkaasi u dhigna sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan oo Soo Dhigay Bartiisa Facebook Qoraal kooban oo uu kaga hadlayo Kormeer ay shalay ku tageen Waddooyin si casriya loo dhisayo oo ka socda Dalka waxanu qoralkaasi u dhigna sidan:


"Maadama Dalkeenu yahay Mid Curdin ah oo aan Caawin ka helin dalalka Caalamka, Marwalba waxaan ku dedaalaynaa in aanu keeno qaab dhimi kara Kharashka inaga baxa inaga oo aanan marnaba ka Tanaasulayn Tayada Wanaagsan ee Raandhiiska le”

Subaxnimadii saaka ayaa ahayd maalin aanu bilownay farsamo cusub oo Waddooyinka dalka lagu samayn doono hadii lagu guulaysto.

Farsamadan cusub oo loogu yeedho " Top Seal White and Top Seal Black” ayey soo minguuriyeen Muwaadiniin reer Somaliland ah isla markaana kaashanaya khubaro ka socota Cariga Ingriiska

Badhitaano badan oo lagu sameeyey saamaynta tabban ee ay keeni karto "Side effects” ayaa la xaqiijiyey in aanay dadka iyo deegaankaba wax dhibaato ah u gaysanayn sidoo kale farsamo yaqaanada takhasuska gaarka ah u leh waddooyinka ayaa soo jeediyey in qodobka uugu muhiimsan dhanka tayyada jidadku ay tahay caro-tuulka la dhigo daamurka ka hor waxaanay sheegeen in Kimikooyinkani "Chemicals” aad uugu fiican yihiin isku haynta caro-tuulka sidoo kalena bilic ahaana yihiin kuwo aad u heer sareeya

Maalmo kahor ayey ahayd markaan Bandhiga farsamadan kaga qaybgalnay hotelka Maansoor ee Caasimada Hargeysa halkaas oo ay khubrada ka socotay Shirkadu faahfaahin ka bixiyeen dunida iyo sida looga isticmaalo farsamadan.

Hadii lagu guulaysto farsamadan cusub ayaa waxaan rajaynaynaa in ay 50% yarayn doonto kharashkii ku bixi jiray samaynta jidadka dalka.

Tijaabada Farsamadan ayaanu ku bilownay waddada tegta Jaamacadda Hargeysa University oo dayac badan ku jiray.

Marwalba waxaanu dedaal uugu jirnaa maadama dalkeenu yahay dal curdin ah oo aanan caawin ka helin dawladaha caalamka in aanu keeno qaab walba oo inoo tashiili kara kharash kasta oo inaga baxaya inaga oo aanan marnaba ka tanaasulayn tayada wanaagsan ee raandhiiska leh

Guud ahaan waxaan uugu baaqayaa shacabka reer Somaliland ee khibrada iyo aqoonta-ba u leh qaybaha kala duwan ee horumarka in ay kaalintooda ka qaataan horumarinta dalka iyagoo uuga faa’idaynaya khibradaha kala duwan ee ay ka dhaxleen dalalka horumaray ee ay ku noolyihiin, anaguna ka xukuumad ahaan waxaanu ku qaabilaynaa qalbi furan.

Hadii aad jeclaysato faahfaahinta Warkaas fadlan booqo:
https://www.youtube.com/watch?v=8d7u47fvTt4

Sidoo kale cidwalba oo Xiisaynaysa in ay Warbixin dheerad ah ka hesho qaabka cusub ee farsamadan loo isticmaalayo iyo sidoo kale dalalka hadda ka hor laga hirgaliyey waxay booqan karaan:

http://terrapaveinternational.com/

Hadal Yar iyo Hawl Badan waa Horumarkeena



Wa Bilaahi Tawfiiq