"Diidmada Xisbiyada Mucaaridku Kala Hortageen Guddoomiyaha Guddida Cusub Ee Doorashooyinka Qaranku Waxay Daaranayd In Ninka La Doortay Uu Reer Balli-gubadle Yahay…"Xildhibaan Jaamac Riyo

0
Friday December 12, 2014 - 16:07:29 in by salman abdi
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Diidmada Xisbiyada Mucaaridku Kala Hortageen Guddoomiyaha Guddida Cusub Ee Doorashooyinka Qaranku Waxay Daaranayd In Ninka La Doortay Uu Reer Balli-gubadle Yahay…"Xildhibaan Jaamac Riyo

    Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ku eedeeyay labada Xisbi Mucaarid ee WADANI iyo UCID, inay ahayd sababta ay ku diidayeen Guddoomiyaha Cusub ee Guddida doorashooyinka Somaliland, Eng: Cabdiqaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ku eedeeyay labada Xisbi Mucaarid ee WADANI iyo UCID, inay ahayd sababta ay ku diidayeen Guddoomiyaha Cusub ee Guddida doorashooyinka Somaliland, Eng: Cabdiqaadir Imaan Warsame tahay degaanka uu ka soo jeedo ee Balligubadle.


Xildhibaan Jaamac Riyo wuxuu kaloo sheegay inay diidmada Xisbiyada Mucaaridku kala hor yimaaddeen Guddoomiyaha Cusub ay samayn ku yeelan doonto codadka ay dadka reer Baligubadle ka rajaynayaan, sidoo kale wuxu sheegay inay shacabkoodu dib wax ula qaybsan doonaan Xisbiga KULMIYE iyo Madaxweyne Axmed Silaanyo, oo ay tacab badan galiyeen.

Xildhibaan Jaamac Riyo, oo u waramaayay saxaafadda, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan "Koomiishanka waxa soo xula ama soo magacaaba Xisbiyada Mucaaridka, Madaxweynaha iyo Guurtida, saddexda horeba wuxuu saamigu ku dhacay oo nasiib u helay xubintu soo magacaabay Madaxweynuhu, maanta doorashadan cusub ee Guddida doorashooyinku is doorteen iyagaa sameeyay xulashada waxaana saamiga Guddoomiyaha nasiib u helay xubin kamid ah labadii xubnood ee ay soo magacaabeen Golaha Guurtidu. Qaylo dheer ayaa ka dhacday oo labada Xisbi Mucaarid (WADANI & UCID) ay ka sameeyeen, qadarka Alle iyo xulashada ay Koomiishanku xusheen ayay ku meel martay, waxayna labada Xisbi sidaad ku arkayseen Warbaahinta shegeen inay dacwad u qorayaan oo Koomiishanka dib ugu celinayaan, ragbaa badhamada iska jeex jeexaayay sidii kaba cadi oo ma yeelayno lahaa.”


Xildhibaan Jaamac Riyo, oo ka hadlaaya sababta diidmada intaas leeg ay uga muujiyeen Xisbiyada Mucaaridku doorashada Guddoomiye Cabdiqaadir Iiman Warsame, wuxuu yidhi "Uma arko anigu diidmadoodu inay ku salaysan tahay Mucaaridka ayaan ku-xigeen ku lahayn guddida, waxaanse u arkaa ileen horeba Mucaaridku uma qaylin jirine oo dadku way abuur nayeene, Guddoomiyahan la doortay ayaa reer Baligubadle ah, siday iila muuqata waa sidaa. Waxaan leeyahay Mucaaridku mustaqbalka dalka iyagaa u fadalo cad oo dadka cod ka raba, iyagoo sida ah inay ka qayliyaan oo yidhaahdan waa reer Baligubadle waxay u xuntahay Mustaqbalkooda siyaasadeed ama cod helistooda”

Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ka hadlaaya Mustaqbalka shacabka deegaanka reer Balligubadle, ee ku aadan kala doorashada Saddexda Xisbi Qaran iyo cida dantu ugu jirto wuxuu yidhi. "Sidan ay Xisbiyada Mucaaridku wadaan waxay nagu khasbaysa in aanu KULMIYE oo xuquuq aanu ku lahayn tacab badana galinay in aanu kaas raacno. Waxaan leeyahay Mucaaridku ha u meel dayaan Mustaqbalkooda siyaasadeed, waayo Koomiishanku iyaga iska soo dhex saaray Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka, xorna iyagaa u ah”




Contact@afkashacabka.com