Xisbiga Kulmiye Laantiisa Birmingham Oo Beeniyay In Taageerayaal Ka Mid Ah Ay Ku Biireen Ucid.

0
Friday December 12, 2014 - 21:12:15 in by salman abdi
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Kulmiye Laantiisa Birmingham Oo Beeniyay In Taageerayaal Ka Mid Ah Ay Ku Biireen Ucid.

    Taageerayaasha Xisbiga Taladda haya ee KULMIYE Laantiisa magaaladdaBirmingham ayaa beeniyay war ku soo baxay warbaahinta qaarkood kuwaasi oo sheegayay in tageerayaasha Xisbiga KULMIYE eeBirmingham qaar ka mid ah ay ku biiren xisbiga cadaaladda iyo da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taageerayaasha Xisbiga Taladda haya ee KULMIYE Laantiisa magaaladdaBirmingham ayaa beeniyay war ku soo baxay warbaahinta qaarkood kuwaasi oo sheegayay in tageerayaasha Xisbiga KULMIYE eeBirmingham qaar ka mid ah ay ku biiren xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID sidaana waxa ay ku sheegen nuqul ay soo gaadhsiiyeen Somalilandtoday.com oo u dhignaa sidan,


"Hadaanu nahay Gudida Fulinta ee xisbil xaakimka ee Kulmiye gaar ahaan laanta Birmingham waxaan halkan ka cadaynayna inaanay jirin xubno ka mid ahaan jiray xisbiga oo ku Biiray xisbiga UCID. Waxaan ku aragnay saxaafada war ku soo baxay oo sheegaya Xaflad lagu soo dhawaynayey nin isku magacaabay musharaxa Xisbiga ay kaga soo biireen xubno ka mid ahaan jiray xisbiga Kulmiye ee Birmingham. Waxaanu leenahay oo cadaynayna inaanay waxba ka jirin warkaa isaga ah. Magaalada Birmingham oo ah caasimada labaad ee dalka ingiriiska waa magaalo ku caan baxday xisbiga kulmiye mana jirto cid kale oo ku wahalisa magaaladan.

 

 

 


 

Jamaal Ali Hussen waxaanu leenahay magaaladan waxay caado u leedahay inay soo dhawayso martida xisbigay doonaan ha ka soo jeedaane taas micnaheedu maaha in lagu taageersan yahay ama lagugu soo biiray ee waa waajib na saaran oo ay tahay inaanu gudano. waxaanu ugu baaqyana inankan jeclaaday inuu ahaado musharax inuu ka waantoobo beenta cad ee laga sheegayo magaalada Birmingham , mana qumana inaad noogu abaal gudo been ka dib markaanu ku soo dhawaynay.

waxaan kaloo ugu baaqayna dhamaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee West midlland inay ilaashadaan midnimadooda oo ay iska ilaaliyan kuwa qabyaaladu madax martay.

Gudida Fulinta ee Kulmiye Birmingham

 



Contact@afkashacabka.com