Gabadh Ingiriis Ah Ayaan Waydiiyey Bal Ka Waran Hargeysa, Waxay Igu Tidhi Hargaysa Waa Magaallo Fiican Oo Qurux Badan, Laakiin........" Wasiir Cali maxamed warancade

0
Wednesday February 05, 2014 - 20:01:33 in by Super Admin
  • Visits: 1702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Ingiriis Ah Ayaan Waydiiyey Bal Ka Waran Hargeysa, Waxay Igu Tidhi Hargaysa Waa Magaallo Fiican Oo Qurux Badan, Laakiin........" Wasiir Cali maxamed warancade

    Gabadh Ingiriis Ah Ayaan Waydiiyey Bal Ka Waran Hargeysa, Waxay Igu Tidhi Hargaysa Waa Magaallo Fiican Oo Qurux Badan, Laakiin........" Wasiirka Arrimaha Gudaha -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadh Ingiriis Ah Ayaan Waydiiyey Bal Ka Waran Hargeysa, Waxay Igu Tidhi Hargaysa Waa Magaallo Fiican Oo Qurux Badan, Laakiin........" Wasiirka Arrimaha Gudaha -

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa walaac ka muujiyey Qashinka faraha badan ee buux dhaafiyey Waddooyinka Caasimadda Hargaysa dhexdeeda, waxaanu dadweynaha ka codsaday inaanay Qashinka iska daadin ee ay u sameeyaan meelo aruursan oo Shaqaalaha dawlada hoose ka qaado habeenkii iyo subaxii.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde oo Kormeer ku sameeyey jidka ugu weyn Caasimadda oo dayactir lagu samaynaayey, kaasoo laga soo bilaabay barriga Caasimadda, isla markaana la soogaadh-siin doono badhtanka Hargaysa, ayaa Wasiirku waxa uu Shaqadan ku tilmaamay talaabo dhinaca Bilicda Caasimadda loo qaaday, hase yeeshee waxa uu shaki geliyey tamarta shacabka oo uu sheegay inaanay

ilaashan karayn xitaa hadii wax qurux badan la soo gaadh-siiyo.

 

"Hawsha wanaagsan ee halkan ka socota oo aad noo farxad gelisay oo aan aad ugu Mahad-celinayo Masuuliyiinta dawlada hoose ee Caasimadda Hargaysa. Waxaan idin farayaa inaad laba arrimood si deg deg ah ugu dhaqaaqdaan mida hore waxay tahay sidii aad Waddooyinkan quruxda badan u soo gaadhsiin lahaydeen Caasimaddaha caalamka." Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Wasiirku.

"Arrinta labaad waxa weeye Magaaladeena berri dhawayd waxa timid gabadh Ingiriis ah waxaanu ku nidhi bal ka waran Magaalada waxay tidhi waa Magaallo fiican oo qurux badan, laakiin waa Magaallo Xashiish, waxaan maanta soo jeedinayaa in Magaalada la nadiifin doono oo Waddooyin qurux badan la soo gaadh-siin doono. Waxa la idin samayn

doonaa meelihii aad ku ridi lahaydeen Qashinka, laakiin waxaan idinka codsanayaa inaad Cashuuraha iska bixisaan." Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha guduhu.