Madaxweynayaal Afrikaan Ah Oo Ka Qeyb Galay Dalka Kenya Oo Maanta Ugu Dabaal-degay Sanad-guuradii 51-aad Ee Ka Soo Wareegtay Maalinta Xornimada -

0
Friday December 12, 2014 - 23:24:17 in by salman abdi
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynayaal Afrikaan Ah Oo Ka Qeyb Galay Dalka Kenya Oo Maanta Ugu Dabaal-degay Sanad-guuradii 51-aad Ee Ka Soo Wareegtay Maalinta Xornimada -

    Guud ahaan maanta oo ku beegan maalin Jimce ah waxa dalka Kenya looga dabaad-degay xuska munaasibadda sdanad-guuradda Kow Iyo Kontonaad ee ka soo wareegtay maalintii uu dalkaasi xoriyadiisa ka qaatay dalka Britain.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guud ahaan maanta oo ku beegan maalin Jimce ah waxa dalka Kenya looga dabaad-degay xuska munaasibadda sdanad-guuradda Kow Iyo Kontonaad ee ka soo wareegtay maalintii uu dalkaasi xoriyadiisa ka qaatay dalka Britain.



Xuska dabaal-degan oo loo yaqaano JAMHURI-DAY, ayaa waxa ka qeyb galay Madaxweynaha dalka Kenya, iyo madaxwynayaal ka socda wadamada qaarada Afrika oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Wadanka Ghana John Dramani Mahama, Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni iyo marti sharaf kale, waxaana xus ballaadhan oo munaasibaddan ku saabsan oo ay dad aad u badani ka soo qeyb galeen maanta lagu qabtay garoonka kubada cagta Nyayo 
National Stadium, ee magaalada Nairobi, iyada oo munaasibado kale oo noocan oo kale ahnna lagu qabtay magaalooyinka dalkaasi..

 

Waxa kale oo ka mid ahaa masuuliyiinta kale ee xuska munaasibadan ka soo qeyb gashay hogaamiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee CORD ee dalka Kenya Raila Odinga, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya Kalonzo Musyoka, Senatarka laga soo doorto deegaanka Bungoma, Moses Wetangula oo isna ka tirsan Xisbiga CORD iyo Afhayeenka Golaha Qaranka Kenya Justin Muturi.

Sarakiisha sarsare ee qaabilsan ammaanka ayaa sheegay in weyn loo adkeeyay sugidda dhinaca ammaanka, iyada oo heegan culus la geliyay ciidamadda Booliska ee dalka Kenya, si weyna loo adkeeyay ammaanka goobaha ay lagu qabtay xuska munaasibadan.

Maanta oo kale oo ku beegnayd 12-ki bishii, December ee sanadkii 1963-kii ayey ahayd markii uu dalkaasi ka xoroobay gumeystihii Ingiriiska oo in mudo ah soo maamulayay.

Contact@afkashacabka.com