Madaxwayne yaasha Somaliland Iyo Soomaaliya Oo La Filayo In Wada Xaajod Hordhac Ah Uu Ku Dhex Maro Wadanka Jabuuti.

0
Saturday December 13, 2014 - 13:03:02 in by salman abdi
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne yaasha Somaliland Iyo Soomaaliya Oo La Filayo In Wada Xaajod Hordhac Ah Uu Ku Dhex Maro Wadanka Jabuuti.

    Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu u socdaalo dalka Djabuuti, halkaasi oo uu wada hadal kula yeelanayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu u socdaalo dalka Djabuuti, halkaasi oo uu wada hadal kula yeelanayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.


 

Ma jiro war rasmi ah oo Xukumadda ka soo baxay oo ku aadan Socdaalka Madaxweynaha balse xogaha laga helayo Socdaalka Madaxweynuhu u bixi doono ayaa sheegaya inay halkaasi ku yeelan doonaan wada hadal qayb ka ah wada xaajoodka u socda Somaliland iyo Somalia.

Madaxweyne Siilaanyo waxaa socdaalkiisa ku wehelin doona Xubno Wasiiradiisa ka mid ah, iyadoo sidoo kale la filayo inuu kulanka ka qayb galo Hogaamiyaha Ucid oo isaguna ku sugan Djabuuti.waxa kale oo kulanka ka qayb galaya Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Wada hadalada Turkiga uga socda Somaliland iyo Somalia ayaa qodobadii hor dhaca ahaa ee ka soo baxay shirarkii hore aan la hir galin ka dib markii Somalia ka baxday qaar ka mid ah oo ay ugu muhiimsanayd qodobka sheegayay in Hawada la wada maamulo balse haatan Somalia Qaramada midoobay la saxeexatay heshiis nuxurkiisu yahay in Muqdisho Maamusho Hawada Somaliland iyo Somalia.


Xukumadda Somaliland ayaa wali ku adkaysanaysa inay sii wado wada xaajoodka u dhexeeya Somalia iyo Somaliland, iyadoo la filayo inay Turkiga dib uga furmaan horaanta sanadka fooda inagu soo haya.



 

Contact@afkashacabka.com