ICC-Da Oo Hakinaysa Baaritaanka Dambiyada Dagaal Ee Daarfuur

0
Saturday December 13, 2014 - 13:14:57 in by salman abdi
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ICC-Da Oo Hakinaysa Baaritaanka Dambiyada Dagaal Ee Daarfuur

    Maxkamaddan uu saldhigeedu yahay magaalada The Hague ayaa 2009-kii waxa ay ku eedaysay madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir inuu galay dambiyo dagaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamaddan uu saldhigeedu yahay magaalada The Hague ayaa 2009-kii waxa ay ku eedaysay madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir inuu galay dambiyo dagaal.

Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Fatou Bensouda, ayaa sheegtay inay hakinayso baaritanadii ku aadanaa dambiyo dagaal oo laga gaystay gobolka Daarfuur ee waddanka Sudan, sababo ay ku sheegtay taageero la’aan kaga timid Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.


Iyadoo hadal u jeedinaysay gollaha ayaa Fatou Bensouda waxa ay sheegtay in dib u dhaca uu kalsooni galiyay dadka galay dambiyada inay sii wadaan falal dambiyeedka – gaar ahaan kuwa ay u gaystaan haweenka iyo gabdhaha – hasayeeshee ay
2009-kii ICCdu waxa ay ku eedaysay madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, inuu xasuuq ka gaystay gobolka Daarfuur, hasayeeshee aanan la soo xidhin isaga iyo dadkii kale ee la tuhunsanaa. 

haatan ku qasban tahay in dhaqaalaha ICC-da ay u weeciso kiisas kale oo degdeg ah.

 

 

Fatou Bensouda ayaa sheegtay in loo baahan yahay in "isbadel weyn lagu sameeyo” habka uu arrintan u wajahayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Maxkamaddan uu saldhigeedu yahay magaalada The Hague ayaa 2009-kii waxa ay ku eedaysay madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir inuu galay dambiyo dagaal.

 

Hasayeeshee lama soo qaban, wuuna diiday inuu aqoonsado jiritaanka maxkamadda.

 

Waxaa jira saraakiil kale oo u dhalatay waddanka Suudaan oo ay maxkamaddu xukuntay balse aanan la soo xidhin.

 

Darfur ayaa waxaa ka taagnaa qalalaase tan iyo sanadii 2003-dii markaas oo ay fallaagadu hubka qaateen.

 

Dadka ka faallooda arrimaha Suudaan ayaa sheegaya in aanay suuragal ahayn in Gollaha Ammaanku uu tallaabo ka qaado sababta oo ah Shiinaha oo halkaasi ku leh codka qayaxan ee Veto-ga, caadiyadana taageera Suudaan.

 

Bishii la soo dhaafay, Suudaan ayaa waydiisatay Ciidammada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee (UNAMID) in ay xidhaan xafiiskooda xuquuqul insaanka ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

 

Tallaabadan ayaa timid xilli xiisado ay ka taagan yihiin iskuday uu howgalku ku doonayay inuu ku baadho eedaymo sheegaya in ciidammada Suudaan ay ka gaysteen tuulada Taabit ee gobolka Daarfuur kufsi wadareed.

 

Sikastaba, Suudaan ayaa sheegtay in baadhitaan u gaar ah oo ay sameysay aanay ku helin wax caddeyn ah oo qeexaya in cid la kufsaday.


Contact@afkashacabka.com