Sii Hayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalada Ka Dhacay Galgaduud

0
Saturday December 13, 2014 - 20:40:46 in by salman abdi
  • Visits: 560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sii Hayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalada Ka Dhacay Galgaduud

    Maanta ma qaadan karno colaad cusub hada bilaabato, dadka walaalaha maanta colaada dhex martay waxaa codsaneynaa oo aan u soo jeedineynaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta ma qaadan karno colaad cusub hada bilaabato, dadka walaalaha maanta colaada dhex martay waxaa codsaneynaa oo aan u soo jeedineynaa

Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday Gobolka Galgaduud, kaasoo shalay iyo maanta ka dhacay degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.

Dagaaladan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna ayaa salka ku haya muranka dhinaca maamulka, iyadoo khilaafka arrintan ka taagnaa uu mudooyinkii u dambeeyay soo jiitamayay.

"Waxaan rabnaa inaan Baaq nabadeed u soo jeedino dhinacyada dagaalamaya, Soomaaliya wey ka daashay dagaal, colaadii xoogeedana wey istaagtay, waa nasiib daro in maanta ay colaad cusub ka bilaabato Galgaduud”ayuu yiri Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Mr Goodax ayaa sheegay inay ku howlan yihiin diyaarinta howlihii maamul u sameynta Gobolada dhexe, isagoo cadeeyay inay meel wanaagsan  marayaanhowsha maamulka loogu sameynayo.

 

Maanta ma qaadan karno colaad cusub hada bilaabato, dadka walaalaha maanta colaada dhex martay waxaa codsaneynaa oo aan u soo jeedineynaa daruufta inay fiiriyaan oo ay colaadaas damiyaaan”ayuu yiri Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka inay u istaagaan sidii ay u kala dhex geli lahaayeen colaadaas, isla markaana ay kala tashadaan maamulada halkaas ka jira, si loo joojiyo dagaalka.

Dagaaladii maanta ka dhacay Dhuusa Mareeb ayaa ciidamada dowladda ay kula wareegeen degmada Dhuusa Mareeb, iyadoo dagaalka uu saaka bilowday markii ciidanka Ahlusuna ay weerareen fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen xerada 21aad.

 




Contact@afkashacabka.com