Daawo: Taliye kuxigenka Booliska Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Dhismayaal Casriya oo Lagu So Kordhiyey Saldhiga Faarax Oomaar ee Burco

0
Monday December 15, 2014 - 18:33:50 in by Super Admin
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Taliye kuxigenka Booliska Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Dhismayaal Casriya oo Lagu So Kordhiyey Saldhiga Faarax Oomaar ee Burco

    Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland C/raxmaan Axmed Liibaan(Fooxla) Ayaa Maanta xadhiga ka jaray Qayb Cusub oo Casri ah oo lagu kordhiyay Saldhiga Faarax Oomaar ee Magaalada Burco,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland C/raxmaan Axmed Liibaan(Fooxla) Ayaa Maanta xadhiga ka jaray Qayb Cusub oo Casri ah oo lagu kordhiyay Saldhiga Faarax Oomaar ee Magaalada Burco,

Qaybta Cusub ee Maanta xadhiga laga Jaray oo ka Koobnaa Afar Hool oo dadka lagu xidho oo u kala soocan Rag, Dumar iyo Caruur iyo dhawr xafiis ayaa ahaa mid aan noociisu hore ugu oolin Magaalada Burco waxaan maalgalisay Hay,ada UNDP, Sidoo kale Taliyaha ayaa Hay,ada UNDP kala wareegay Gaadhi Xaajiyad ah iyo Qalab isugu jira Isgaadhsiin iyo Qalabka xafiisyada ah oo loogu talo galay Saldhiga.

Xaflad loo qabtay Xadhig ka jarista saldhigaas Cusub ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Taliye Ku xigeenka Booliska Somaliland C/raxmaan Fooxle isagoo ku dheeraaday Muhiimada uu saldhigani leeyahay waxa uu yidhi”saldhigani waa sal dhig casri ah oo noociisu yahay kuwa ilaaliya Xuquuqda Aadamiga,waxaa uu leeyahay ciidan loosoo tababaray ciidan u tababaran Bulsda iyo gaadiid kamradihii iyo qalab dhamaystiran iyo qaybtii dumarka iyo caruurta,waxaan leyahay taliya saldhigan inaad ilaaliso cadaalada iyo Qalabkaas iyo gaadiidkaas,Gobolakani waakaan ka dalacay oo waxa uu leeyahay salaadiin iyo dad wanaagsan. 

BolBol2


Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer Cabdi Muuse C/laahi ayaa isaguna ka hadlay waxaanu yidhi”hadii aan ka waramo amaanka Gobolka Togdheer Boqolkiiba Boqol waa wanaagsanyahay hadii ay tahay Gudaha iyo hadii ay tahay dibada Magaalada,gaadiid iyo wax qabad badan bay na siiyeen taliyaha Ciidanka Bioolisku laakiin Magaalada iyo Gobolkaa ka badan oo waanu baahanahay kuwa kale.
Badhasaab ku xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamud Yuusuf(Ubaxle) ayaa isaguna kelmado kooban oo uu alkaas ka yidhi waxaa ka mid ahaa”Maanta waxaa jira Wax qabad iyo horumar ka maanta joogan halagu Ixtiraamo kuwa ka danbeeyana halagu ixtiraamo,cidii i dhaliisha iyo cidii wax ii sheegta way ii kala duwanyihiin,waxaan leeyahay cid walba masuuliyadeda halagu ixtiraamo.
Maayar ku xigeenka Degmada Burco Muxumad Xasan Jaamac(*Xoday) ayaa isaguna sheegay inay saldhigani uu ku yaalo Goob muhiim ah isla markaana uu degmada wax wayn kusoo kordhin doono.


Abanduulaha qaybta Laba iyo Tobnaad ee Ciidamada Milatariga Kayd ayaa Bulshada ugu baaqay inay maniga ilaaliyaan xilna dadka iyo ciidamadaba ka saaranyahay.


Suldaan Ismaaciil,Suldaan Sayid,Caaqil Canjeex,Maayarkii Hore ee Burco maxamed Diiriye Xayd,Sahra Basbaaso oo ku hadlaayay Magaca Bulshdada Reer Togdheer ayaa dhamaantood isku raacay inuu Booliska Burco kasoo baxay xilkii saraa isla markaana uu hada joogo talie hawl kar ah oo reer Burco kuwada kalsoonyihiin iyagoo Madaxwaynaha ugu baaqay inuu Booliska Burco idhadheer u lahaado. 



Contact@afkashacabka.com