Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden Iyo C/rashiid Cali Sharmaarke Oo Midkood Maanta Loo Magacaabayo Raysal-wasaaraha Soomaaliya

0
Tuesday December 16, 2014 - 12:37:44 in by salman abdi
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden Iyo C/rashiid Cali Sharmaarke Oo Midkood Maanta Loo Magacaabayo Raysal-wasaaraha Soomaaliya

    Danjiraha Dawladda Somalia ee Mareykanka Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa la saadaalinayaa in loo magacaabo ra'iisul wasaaraha saddexaad ee Soomaaliya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjiraha Dawladda Somalia ee Mareykanka Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa la saadaalinayaa in loo magacaabo ra'iisul wasaaraha saddexaad ee Soomaaliya,

isagoo horay ra’iisul waasare uga soo noqday xukuumadihii KMG-ka ahaa ee Soomaaliya. Inkasta oo warar dheeraad ah oo arrintaasi ka soo baxayaa sheegayaan inay suurto-gal tahay in loo Magacaabo Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden oo ahayd wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya ee xukuumaddii Raysal-wasaare Saacid, imikana ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka.

Cumar C/rashiid ayaa haddii loo magacaabo xilka ra’iisul wasaaraha wuxuu bedeli doonaa ra’iisul wasaaraha xilka sii haya C/weli Shiikh Axmed oo 6-dii bishan waayay kalsoonida xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Sharma’arke ayaa wuxuu lasoo shaqeeyay madaxweynihii dowladdii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ra’iisul wasaare u magacabaay, isagoo xilka hayay sannadihii 2009 illaa 2010, inkastoo uu iska casilay xilka kaddib khilaaf soo dhex-galay isaga iyo Sheekh Shariif.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa danjiraha Soomaaliya ee dalka Mareykanka u magacaabay Cumar C/rashiid 14 July 2014, wuxuuna noqday danjirihii ugu horreeyay oo ay Somalia u magacowdo danjiraheed u fadhiya Mareykanka muddo 22-sano ka badan.

Xubno ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in laga yaabo in madaxweyne Xasan uu ra’iisul wasaare u magacaabo Sharma’arke dhowrka maalmood ee soo socda, halka ilo-wareedyo kalena Foosiya sheegayaan.

Si kastaba ha ahaatee, haddii Cumar C/rashiida loo magacaabo iyo haddii Foosiya la Magacaababa xilkaasi wuxuu noqonayaa ra’iisul wasaarihiisa saddexaad oo uu madaxweyne Xasan Sheekh magacaabo tan iyo markii loo doortay madaxweyne dhammaadkii sannadkii 2012-ka.

Ra’iisul wasaarayaashii ka horreeyay Sharma’arke oo kala ah: Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo C/weli Sheekh Axmed oo xilalka ra’iisul wasaarenimo hayay min hal sano ayaa kalsooni ka waayay baarlamaanka kaddib markii ay is-qabteen madaxweyne Xasan Sheekh.. 



Contact@afkashacabka.com