Raisul waasarihi hore Somaliya Cumar Cabdirashid Sharmarke oo Soo Gaadhay Muqdisho iyo Diyaarad Khaasa oo ka soo Qaaday Maraykanka

0
Tuesday December 16, 2014 - 15:09:34 in by salman abdi
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raisul waasarihi hore Somaliya Cumar Cabdirashid Sharmarke oo Soo Gaadhay Muqdisho iyo Diyaarad Khaasa oo ka soo Qaaday Maraykanka

    Waxa magaalada Muqdisho soo gaadhey Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo hore ra'isal wasaare uga soo noqday dalkaasi Somaliya,gaar ahaana dawladii KMG ahayd ee dalkaasi,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa magaalada Muqdisho soo gaadhey Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo hore ra'isal wasaare uga soo noqday dalkaasi Somaliya,gaar ahaana dawladii KMG ahayd ee dalkaasi,

iyada oo markii uu halkaasi soo gaadhey dhamaanba jidadka uu maraayey la wada xidh xidhay.

Cumar Cabdirashiid ayaa ah danjiraha Somaliya ee dalkaasi Maraykanka,waxaanu kasoo duulay magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya oo u soo gaadhey habeenkii xalay ahaa,iyada oo wararku sheegayaan inuu diyaarad khaasa kasoo raacay Maraykanka,iyada oo ay halkaasi kusoo dhoweeyeen Xildhibaano,Siyaasiyiin iyo dadweyne kale oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Waxaana la filayaa in loo magcaabo Ra’isal wasaaraha Somaliya oo ilaa hadda aan cid loo magcaabin,iyada oo dad badan la sheegaayo in la filaayo in loo magcaabo,waxaan la dejiyey mid kamid ah hudheelada magaalada Muqdisho.

Mana jiro ilaa hadda wax wara oo kasoo baxay ilaa hadda socdaalkaasi Cumar Cabdirashiid ,kaas oo aan la sadaalin Karin in loo magcaabaayo ra’isal wasaaraha Somaliya iyo in kale,isaga oo ra’isal wasaare dalkaasi kasoo noqday sannadihii 2009 ilaa 2010 kii kasoo noqday ra’isal wasaare dawladii KMG ahayd ee Somaliya ee uu hogaaminaayey Sheekh Shariif Sheekh Axmed.




Contact@afkashacabka.com