Maamulka Dekada Berbera Oo Ku Guulaystay Qaybtii Kowaad Ee Balaadhinta Dekada Berbera, Badeecadihii U Horeeyayna La Dhigay

0
Tuesday December 16, 2014 - 21:07:29 in by salman abdi
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Dekada Berbera Oo Ku Guulaystay Qaybtii Kowaad Ee Balaadhinta Dekada Berbera, Badeecadihii U Horeeyayna La Dhigay

    Dekada magaalada Berbera ayaa ka Koobnayd labo Qaybood oo ay kala dhiseen wadamada Ruushka iyo Maraykanku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dekada magaalada Berbera ayaa ka Koobnayd labo Qaybood oo ay kala dhiseen wadamada Ruushka iyo Maraykanku

Berbera(HWN)Maaamulka dekada Berbera oo dhamaystiray wajigii Kowaad ee dhismaha Cusub ee dekada Lagu soo kordhiyay ahna barxad balaadhan oo Loogu talo galay in Konteenarada la Dhigo, Qaybatan la Dhamaystiray ayaa balaceedu yahay Lix Boqol oo Mititr oo isku Wereega,


hadaba Qaybtan cusub ee lagu soo Kordhiyay dekada Berbera ayaa Badeecadihii ugu Horeeyay La dhigay Kuwaas oo Ku Jira Konteenaro lagu Qiyaasay Ilaa Afar Boqol oo Konteenar, waxaan siday markab aay Leedahay Shirkada caalamiga ah PILL,

Dekada magaalada Berbera ayaa ka Koobnayd labo Qaybood oo ay kala dhiseen wadamada Ruushka iyo Maraykanku , tanina waxay Noqonaysaa Qaybtii Somalailand Dhistay, Waxaanay kamid Noqon Doontaa Horumarka la tilmaamo ee intii Somaliland jirtay dalkani Gaadhay iyada oo aan Shisheeye inaga Caawin, Taariikhdana Ku xardhanaan Doonta,

 

Dabcana Mustaqbalka dhaw Maamulka sare ee Dekada Berbera Waxay ku hawlan yihiin in ay casriyeeyaan Adeegii ama nidaamkii shaqada ee ay ganacsatada u hayeen ,fudaydiyaan waraaqihii kasoo kala baxayay xafiisyada kala duwan, waxaany Hirgalinayaan Modren System Shaqdu ay kusoo Ururi Doonto Xafiis kaliya oo Shaqadu kasocon Doonto lagalana Maamuli Doono, habkan oo Noqon doona <Mid Computraised ah oo Servar kaliya Dhaatadu iskugu soo Ururi Doonto, Waxaana Meesha kabixi doona iskadaba wareegii Shaqaalaha xafiisyada kala duwan iyo ganacsatada Isticmaala dekada Berbera,

Nidaamkan Cusub ayaa la jaan qaadi doona Nidaamka casriga ah ee dekadaha Caalamku isticmaalaan, Sidoo kalena Waqti badan oo ganacsatada wax cashuurta kaga Lumi Jiray yaa u badbaadaya, waxaana Suura gala qofka ganacsadaha ahi Isagoo jooga Meel ka baxsan Berbera in uu dhmaysan karo Hawlihiisa cashuureed,



Contact@afkkashacabka.com