Garabka Haweenka Xisbiga WADDANI Oo Munaasibad Hadhimo Sharafeed U Sameeyey Guddoomiyaha Mareykanka Ee Xisbiga Wadani Marwo Muna Cali Fidhin

0
Tuesday December 16, 2014 - 21:52:07 in by salman abdi
  • Visits: 2716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garabka Haweenka Xisbiga WADDANI Oo Munaasibad Hadhimo Sharafeed U Sameeyey Guddoomiyaha Mareykanka Ee Xisbiga Wadani Marwo Muna Cali Fidhin

    Garabka haweenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa munaasibad soo dhaweyn iyo hadhimo sharafeed ah magaalada Hargeysa ugu sameeyey guddoomiyaha wadanka Mareykanka ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Marwo:Muna Cali Fidhin oo socdaal kooban ku tim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garabka haweenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa munaasibad soo dhaweyn iyo hadhimo sharafeed ah magaalada Hargeysa ugu sameeyey guddoomiyaha wadanka Mareykanka ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Marwo:Muna Cali Fidhin oo socdaal kooban ku timi dalka.


 


Munaasibadan oo ahayd mid ay garabka haweenka xisbiga WADDANI ay ku soo dhaweynaayeen guddoomiyaha wadanka maraykan ee xisbiga WADDANI, ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirkii hore ee haweenka, shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadii Daahir Riyaale Kaahin Marwo:Faadumo Suudi guddoomiye ku xigeenka Afaraad ee xisbiga WADDANI Marwo:Milgo Maxamed Cilmi, iyo sida haween aad u tira badan oo ka tisan garabka haweenka ee xisbiga WADDANI oo isagu jira golaha fulinta iyo golaha dhaxe ee xisbiga WADDANI.


 

 

Ugu horeyn marwo:Aamina C/laahi kidhmastar oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay si aad ugu faraxsan yihiin in ay guddoomiyaha Mareykanka ee xisbiga WADDANI ay ku soo dhaweeyaan magaalada Hargeysa, waxaana ay tilmaantay in ay had iyo jeer ay kaalin firfircoon ay ka ciyaarto dar dargalinta xisbiga WADDANI.

”guud ahaan Marwooyinka halkan isugu yimi waan salamayaa marka xigta waxaan si balaadhan u salamayaa muuna oo aan maanat halka ugu samaynayo qado sharaf oo iyadoo inooga soo kicitantay wadaan aad u fog waxaanu ku leenahay anagoo isku dhan soo dhawoow marwo.Hadaan dhanka haweenkeena aan la hadlo xisbigeenu waxa uu u baahanyahay in aynu u hurno waxii aynu hayno,xataa hadii bishiiba mar aynu waxa gasho waa wax inoo yaal, aad ayaan ugu Faraxsanahay in aan Maanat halkan isugu nimaano Marwooyinkii xisbiga wadani waxa kale oo aan sheegayaa in ay waxba kama jiraan yihiin warar sheegayay in aan u tagay Marwad Kowaad ee Qaranka oo aan ku idhi kulmiye dib igu celi,waxaan leeyahay anuu kulmiye hadaan doonaayo anaa gacmahayga ku aasaasay cidna igama hor taagna markaa waxaan leeyahay dadka wararkaa sheegayaa in ay rabaan in aan af lagaadeeyo marwada”Ayey tidhi Aamin Cabdilaahi Kidhmaster.

Marwo:Faadumo Suudi oo iyaduna sida oo kale halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in soo dhaweynayaan safarka ay ku timi dalka, waxaana ay tibaaxday kaalinta fir fircoon ay ee marwalba marwo:Muuna Cali Fidhin ay ka ciyaarto xisbiga WADDANI.

”waxaan inagoo isku dhan soo dhawynaynaa marwada inooga soo kicintintay wadanka fog waxaanu marwo ku leenahay ku soo dhawoow wadankagii hooyo hadii aynu nahay haweenka xisbiga wadani waxa inaga go’an in aan taageero buuxda la garab taagnaano xisbigeena wadani”

Ugu danbeyntiina waxaa halkaasi ka hadashey guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee wadanka Mareykan Marwo:Muna Cali Fidhin, waxaana ay halkaasi kaga sheekaysay halka ay mareyso hawlaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ee ay ka wadaan wadanka Mareykanka.

”waxaan u mahadnaqayaa haweenka xisbiga wadani oo maanta si sharaf leh igu sameeyay qado sharf waxaan leeyahay waad mahadsantihiin mar labaad hadaan warbixin yar oo kooban aan idinka siiyo xisbiga wadani iyo siduu uga shaqeeyo wadankan aan ku noolahay .

"Xisbigu waxa uu istajyo ama xarumo ku leeyahay sideed gobol oo ah kuwa ay soomaalidu dagto oo aanu mid walba ka wacyi galino waxa uu noo marayaa meel wanagsan kolay markaanu eegno xagayag maalintii Alle keenaba waxa nugu soo biira dad wata taageerayaashoodii oo dhan taasi waxa ay kaga turjumaysaa hamiga,himilada iyo waliba taageerayaasha laxaadka leh ee lo ohayo xisbigeena wadani ,inash allh waxa uu noqon donaa mid guulaysta”Ayey tidhi Muna Cali Fidhin.




Contact@afkashacabka.com