Khilaaf Ka Taagan Maraakiib Iyo Doonyo Ciidanka Ilaalada Xeebuhu Ka Qabteen Xeebaha Somaliland

0
Wednesday December 17, 2014 - 17:22:22 in by Burco Office
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Ka Taagan Maraakiib Iyo Doonyo Ciidanka Ilaalada Xeebuhu Ka Qabteen Xeebaha Somaliland

    Ciidamadda Illaaladda xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gacanta ku soo dhigay oo soo qabtay maraakiib iyo doonyo aad u tiro badan oo siyaabo kala duwan oo sharci darro ah uga Kaluumaysanay xeebaha Badda Somaliland, sidaana waxa Shabakadda warark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamadda Illaaladda xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gacanta ku soo dhigay oo soo qabtay maraakiib iyo doonyo aad u tiro badan oo siyaabo kala duwan oo sharci darro ah uga Kaluumaysanay xeebaha Badda Somaliland, sidaana waxa Shabakadda wararka ee caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, u xaqiijiyay Illo wareedyo

xogoggaal ah oo lagu kalsoon yahay oo si weyn ugu dhuun dalloola arrimahan.


Warku waxa uu intaa ku daray in isugeyn tirada guud ee Maraakiibta iyo Doonyaha ay soo qabteen Ciidamadda Illaalada xeebuhu ay kor u dhaafeen Afartan, waxaanay illo wareedyaddani noo xaqiijiyeen in ay ciidamaddu ka soo qabteen Xeebaha biyaha badda ee Lughaya, Bariga badda magaaladda Berbera, iyo Maydh.
Maraakiibta iyo Doonyaha ay gacanta ku dhigeen ciidamada Illaalada Badda Somaliland, waxa ay kala yihiin oo ay isugu jiraan Hal Markab iyo Seddex Doonyood oo waaweyn oo laga soo qabtay xeebaha badda ee magaalada Lughaya ee galbeedka Somaliland, Lix Doonyood oo waaweyn oo laga soo qabtay xeebaha bariga ee Berbera, iyo Lix kale oo iyana laga soo qabtay xeebaha biyaha badda ee magaalada Maydh ee bariga xeebaha Somaliland, taas oo tirada guud ee Maraakiibta iyo doonyaha waaweyn ee la qabtay ka dhigaysa Lix Iyo Toban.
Maraakiibtan iyo Doonyahan la soo qabtay ayaa ku doodaya in ay ruqsaddo sharci ah oo kuwa Kalluulamysiga ah ay ka haystaan Wasaarada Kalluumaysiga ee Somaliland, balse, Illo wareedyo si weyn loogu kalsoon yahay oo ka ag dhaw arrimahan ayaa xaqiijiyay in Taliska Guud ee ciidanka Illaalidda Xeebaha Somaliland, ayaa sheegay in aanay jirin wax ruqsado ah oo ay maraakiibtan iyo doonyahani ay ka haystaan Wasaarada Kalluulamysiga.

Wefti uu hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka Amniga isla markaana ay xubno ka yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kalluulaysiga Iyo ayaa gaadhay magaaladda Berbera si isugu dayaan in la xalliyo khilaafka balse waxa uu ku dhamaaday kulan ay shalay yeesheen is-afgaran waa.

contact@afkashacabka.com