War Deg Deg AhCumar C/rashiid oo loo magacaabay Ra'iisul Waasaraha Cusub ee Somalia

0
Wednesday December 17, 2014 - 18:38:26 in by Burco Office
  • Visits: 622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg AhCumar C/rashiid oo loo magacaabay Ra'iisul Waasaraha Cusub ee Somalia

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa goor-dhow u magacaabay xilka ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, kaasoo bedeli doona ra'iisul wasaarihii hore, C/weli Sheekh Axmed. Xasan Sheekh ayaa m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa goor-dhow u magacaabay xilka ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, kaasoo bedeli doona ra'iisul wasaarihii hore, C/weli Sheekh Axmed. Xasan Sheekh ayaa markii uu ku dhawaaqayay ra'iisul wasaaraha sheegay inuu u doortay inuu xilka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabo Cumar C/rashiid oo uu sheegay inuu ka rajeynayo inuu soo dhiso xukuumad sii wadi karta howlaha horyaalla dowladda. Magacaabiddan ayaa imaanaysa iyadoo maalmahan la isla dhexmarayay in loo magacaabi doono Cumar C/rashiid xilka ra'iisul wasaaraha saddexaad ee dowladda hadda shaqeynaysa. Sharma'arke oo horay ra'iisul wasaare ka soo noqday Soomaaliya dowladdii KMG ahayd sannadihii 2009-kii illaa 2010-kii, isagoo xilka uga tagay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo madaxweynihii xilka hayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed. cadnaan ciise
mudisho/Office
contact@afkashacabka.com