Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday In Ay Soo Qabteen Doonyo Iyo Bad-maaxyo Shisheeye

0
Wednesday December 17, 2014 - 22:43:46 in by salman abdi
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday In Ay Soo Qabteen Doonyo Iyo Bad-maaxyo Shisheeye

    Taliyaha Ciidamadda Illaalada Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland, Admiral Axmed Aw Cismaan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidamadda Illaalada Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland, Admiral Axmed Aw Cismaan,

 Taliyaha Ciidamadda Illaalada Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland, Admiral Axmed Aw Cismaan, ayaa maanta daboolka ka qaaday sheegay in hawl-gallo ay sameeyeen ciidanka Illaalada xeebahu ay gacanta ku soo dhigeen Doonyo iyo dad ajaanib ah oo si sharci darro ah uga Kalluulaysanayay xeebaha badda Somaliland, sidaanna waxa uu ku sheegay waraysi ay la yeelatay idaacada BBC-du.


 
Taliyuhu, waxa sheegay Kow iyo Konton doonyood oo laga lahaa dalalka Masar iyo Yamen, oo ay saarnaayeen Laba Boqol iyo Todoba Iyo Konton qof oo bad-maaxiin ah in ay ka soo qabteen inta u dhaxaysa Lughaya Iyo Meydh, kuwaas oo sifo sharciga baal-marsan uga Kalluulamysanayay una guranayay Kheyraadka dihin ee kala duwan ee badda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu xusay in ay dhammaantood hada ku xidhan yihiin magaalada Berbera, ee caasimada Gobalka Saaxil.
 
Ciidamada Illaada xeebaha ee Somaliland, ayaa muddo badan ka cabanayay wada-shaqayn la'aan kaga timi Madaxda sarsare ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Kheyraadka Badda Somaliland, oo dhegaha ka furaystay in ay fuilso hanaanka sharci ee wada-shaqayneed ee ka dhaxaysay dhinacyada ay sida tooska ah u khusayso illalinta kheyraadka badda Somaliland, oo ay wada leeyihiin Wasaarada Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda, Ciidanka Illaalada Xeebaha, Iyo Wasaarada Maaliyada.
 
Sidoo kale, waxa soo baxayay cabasho iyo walaac xoog leh oo baahsan oo ay Kalluumaysatada dalka ee maxaliga ahi ay ka muujiyeen doonyaha shisheeye ee sida sharci daradda ah u xaalufinaya kheyraadkii badda Somaliland. mana aha markii u horaysay ee ay Ciidanka Illaada Xeebaha Somaliland ay soo qabtaan Doonyo iyo badmaaxyo si sharci ah iga Kalluumaysanaya Badda Xeebaha Somaliland.
 

  

Contact@afkashacabjka.com