Waa Sidee Xaalada Gobolka Awdal Saaka iyo Filashada Socdaalka Madaxweyne Kuxigeenka

0
Thursday December 18, 2014 - 13:35:50 in by Hargeysa Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Sidee Xaalada Gobolka Awdal Saaka iyo Filashada Socdaalka Madaxweyne Kuxigeenka

    Waa Sidee Xaalada Gobolka Awdal Saaka iyo Filashada Socdaalka Madaxweyne Kuxigeenka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Sidee Xaalada Gobolka Awdal Saaka iyo Filashada Socdaalka Madaxweyne Kuxigeenka
(afkashacabka,net) Thursday, December 18, 2014 06:32:36
Dadweyynaha Reer Boorama ayaa, u muuqda in ay ka hadlayaan mowjad isku mid ah maadaama ay ku taagan tahay indhalaawe tabashadii dhinaca Gobolnimo

Boorame(afkashacabka.net)-Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa, si wanaagsan u degan habeenadii lasoo dhaafay kadib markii halkaasi xukuumadu cagta dib uga dhigtey dhaqdhaqaqaaqyo xoogan oo mudooyinkii u dambeeyay dul hognaa Boorame taas oo ciidamo dheeraad ah lagu geeyay Magaalada Boorame.


Dadweyynaha Reer Boorama ayaa, u muuqda in ay ka hadlayaan mowjad isku mid ah maadaama ay ku taagan tahay indhawaale tabashadii dhinaca Gobolnimo ee saamiga Xukuumada iyadoo aad moodo in ay taa ka siman yihiin,yar iyo weyn Waxgarad iyo duqey aqoonyahan iyo Culumaa,udiin waxaana raadadkii qoyanaa ee ugu dambeeyay dhacdadaasi kaga hadley Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Pro.Saleebaan Axmed Guuleed oo dhinacyo badan arintaasi u faafaahiyay, inkastoo ay dadweynaha Reer Awdal



jeclyasnayeen in hadalkiisu Warbaahinta si dhameystir ah uga baxo si aan dadka qaar u fahmi waayin,oo aan meel qudha loogu aadninin, Sidoo kale waxa iyaguna hadley cuqaal iyo odoyaal katirsan Deegaanka Awdal,oo ka hadley badheedhahooda ku wajahan xiisada taagan, waxa kale oo ka hadley madaxdhqameedka iyo Salaadiinta Awdal oo iyaguna meel ku tiiriyay in ay muqadas tahay in nabedgalyada la ilaashado oo aan dhaawac loo gaysan haseyeeshee,loo baahan yahay in xiisada taagan ay xalkeeda iyagu leeyihiin gaar ahaana qadiyada Suldaan Wabar.

Sikastaba ha ahaatee, Shabakada Wararka hadhwanaagnews oo ilaa shaley dareenka Dadweynaha Reer Boorame kaga qiyaas qaatey sida loo weyneynayay markii hore xiisadaha taagnaa ayaa, dad badani aaminsanaayeen in ay arimaha badankoodu ka kaceen xadhigyadii loo geystey Xildhibaanada iyo Xubno kale balse, aan arintu sidaa usii weyneyn,waxaana la filayaa sida ay dadka Reer Awdal hadalhayaan intooda badani in Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici oo saaka socdaal ugu soo kacaya Dhinaca Magaala Madaxda Gobolka Awdal ee Boorame la filayo in uu soo gunaanado halka uu maalmihii u dambeeyay,is afagarad la,aanta koobani taaley taas oo ay Somaliland oo dhami u dhegtaageyso, waxaanu idiinku soo gudbin doonaa Wararkayaga Dambe.



AFKASHACABKA.NET

OFFICE: HARGEISA
MUKHTAAR CABDIFATAX BY ( XAAJI)