
Isuduwihii hore Wasaarada Hawlaha Guud Gobolka Togdheer oo beeniyey eedaymo Wargeyska Geeska Afrika ka qoray Agaasimaha Guud ee Hawlaha Guud
Isuduwihii hore Wasaarada Hawlaha Guud Gobolka Togdheer oo beeniyey eedaymo Wargeyska Geeska Afrika ka qoray Agaasimaha Guud ee Hawlaha Guud
Isuduwuhii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud ee Gobolka Togdheer Xasan Qawdhan Warsame ayaa manta si cad u beeniyey warar lagu eedeeyey inuu ka faafiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi kuwaasi oo xusaya inuu qortay shaqaale aan sharci ahayn oo aan la marin sifaha sharciga Hay’ada shaqaalaha Dawlada.
Isuduwahan oo manta qoraal war-murtiyeeda ka soosaray magaalada Burco ayaa waxa uu xusay in todobaadkan mar uu ka hadlayey xilwareejintiisa laga been abuuray inuu faafiyey warar lagu eedaynayo agaasimahiisa guud, taasi oo ay wargayska Geeska Afrika Cadadkiisa 2142, ee soo baxay 21,December, 2014 uu ku soo baxay wargeyskaasi maqaal been abuura oo aan xambaarsanayan warkii uu sheegay sida uu hadalka u dhigay.
Isuduwahan waxa uu warkiisa ku sheegay in warkii uu bixiyey ay baahiyeen Telefishnada sida Kalsan TV oo uu duuban yahay codkiisii, taasina ay muujinayso inaan xaqiiqa ahayn wararka uu qoray Wargeysku ayuu yidhi.
Isuduwahan isagoo arintaasi kahdlaya waxa uu yidhi” qoraalkani waa been abuur o waxay iga sheegeen inaan idhi Agaasimuhu waxa uu qoray shaqaale isku qoysa oo aan hay’ada shaqaalaha dawlada la soo marin, waana abeen cad”.
Ugudanbayntiina waxa uu xusay agaasimahan inaanay jirin shaqaale uu gobolka keenay agaasimuhu oo aan sharci ahayan.
Todobaadkan ka hor ayaa isuduwahn waxa laga qaaday xilkii uu u hayay wasaarada, taasi oo ka danbaysay sida uu xusay khilaaf ka dhashay dhul ku yaala Beerta Daalo ee magaalada Burco oo ay isku maandhaafeen dawlada hoose magaalada Burco.
Xasan Qawdhan Warsame
Isuduwihii hore ee wasaarada hawlaha guud
Isuduwihii hore Wasaarada Hawlaha Guud Gobolka Togdheer oo beeniyey eedaymo Wargeyska Geeska Afrika ka qoray Agaasimaha Guud ee Hawlaha Guud
Isuduwahan oo manta qoraal war-murtiyeeda ka soosaray magaalada Burco ayaa waxa uu xusay in todobaadkan mar uu ka hadlayey xilwareejintiisa laga been abuuray inuu faafiyey warar lagu eedaynayo agaasimahiisa guud,