Taliska AMISOM Oo Sheegay In Aysan Saameyn Ku Yeelan Doonin Shaqadooda Weerarkii Al-shabaab Ku Qaadeen Xalane

0
Friday December 26, 2014 - 10:37:48 in by Burco Office
  • Visits: 919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska AMISOM Oo Sheegay In Aysan Saameyn Ku Yeelan Doonin Shaqadooda Weerarkii Al-shabaab Ku Qaadeen Xalane

    Taliska ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin weerarkii shalay rag ka mid ah Al-shabaab ku qaadeen xarunta ugu weyn ciidamada AMISOM ee Xalane.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin weerarkii shalay rag ka mid ah Al-shabaab ku qaadeen xarunta ugu weyn ciidamada AMISOM ee Xalane.


Afhayeenka Ciidamadaasi Korneel Cali Aadan Xumud oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in weerarkaasi aanu saameyn ciidankooda, isalamarkaana diyaar u yihiin xilli walba in shacabka Soomaaliyeed iyaga oo u shaqeynaya ku dhintaan.

"Waxaan u joognaa Nabadda Soomaaliyeed, Dhimashada iyo Tirada Howsha meesha taalla ma ahan” ayuu yiri Afhayeen Xumud.

Weerarkii shalay ayuu sheegay in uu ahaa mid Al-shabaab qaabkii ay ka rabeen aanu u fulin, islamarkaana dhamaan ragii Xalane weeraray ay halkaasi ku dhinteen.

Rag ka mid ah Al-shabaab ayaa shalay weeray Xarunta ciidamada AMISOM ee Xerada Xalane Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhacay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta

muqdisho/Office

contact@afkashacabka.com