Hordhac: Chelsea vs West Ham: Hammers Oo Ku Rajo Weyn Iney Bareega U Qabato Blues

0
Friday December 26, 2014 - 10:48:18 in by Burco Office
  • Visits: 1104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea vs West Ham: Hammers Oo Ku Rajo Weyn Iney Bareega U Qabato Blues

    Kooxda hogaamineysa horyaalka ayaa maanta la balansan West Ham kulanka Boxing Day-ga waxaana kulankaan lagu tilmaamaa inuu yahay London Derby madama labada kooxood ay ka wada dhisan yahiin caasimada Ingiriiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda hogaamineysa horyaalka ayaa maanta la balansan West Ham kulanka Boxing Day-ga waxaana kulankaan lagu tilmaamaa inuu yahay London Derby madama labada kooxood ay ka wada dhisan yahiin caasimada Ingiriiska.


Ka Sokow in kulankaan uu yahay London Derby hadana West Ham waxey ku jirtaa xiliyadii ugu fiicnaa madama ay haatan fadhiso booska afaraad ee horyaalka iyadoo leh 32-dhibcood waxeyna 1-dhibic u jirtaa booska sadexaad oo ay fadhiso Manchester United.

West Ham oo kaashaneysa wiilashii hore Liverpool Downing & Carroll oo lagu daray saxiixyada cusub ee kooxda Song & Sakho ayaa wax badan kusoo kordhiyay kooxda uu hogaamiyo Sam Allardayce.

Kulankaan waa kulanka ugu horeeya kulamada Boxing Day-ga xili Blues ay dooneyso iney ka fogaato City, dhinaca kalana West Ham ay dooneyso iney si kumeel gaar ah dagto booska sadexaad.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs West Ham

Tartanka: FA Premier League

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 3:45 Galabnimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Eden Hazard ayaa ah xidiga kaliya ee shakiga laga qabo inuu qeyb ka noqdo kulanka West Ham kaas oo dhaawac dhanka canqawga ah uu kasoo gaaray kulankii Stoke City.

Mark Noble ayaa isna laga cabsi qabaa inuu kulankaan seego, sidoo kalana daafacooda Tomkins ayaa isna dhaawac dhanka muruqa ah qaba mana la hubo inuu ciyaari doono.

MA OGTAHAY:

Chelsea ayaa ah kooxda ugu rikoorka wanaagsan kulamada gurigeeda madama dhamaan ay ku badisay 8-dii kulan ee ay xagaagan ku ciyaartay.

Blues wax gool ah lagama dhalin 13-kulan, 16-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay garoonka Stamford Bridge.

Blues waa kooxda dhalisay goolasha ugu badan xagaagan (38), waana kooxda goolasha ugu yar laga dhaliyay (13-gool).

Chelsea waxey goolasheeda xili ciyaareedkaan ka heshay 13-ciyaariyahan oo kala duwan halka West Ham ay ka heshay 12 ciyaariyahan.

West Ham markii ugu dmabeysay oo ay ku badiyaan Stamford Bridge waxey aheyd September 2002, markaas oo 3-2 lagu garaacay Chelsea waxaana kulankaas kaalin weyn ka qaatay Paolo Di Canio.

West Ham waxey la kulantay guuldaro hal kulan 11-kii kulan ee ugu dambeeyay kulamada horyaalka Ingiriiska.

West Ham waa kooxda ugu badan ee madax ku beegsaday goolka kasoo horjeeda 29-jeer ayeyna isku dayeen halka Blues ay isku dayday 18-jeer.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Chelsea:

Courtois; Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta; Matic, Fabregas; Willian, Oscar, Schurrle; Costa

West Ham:

Adrian; Jenkinson, Collins, Reid, Cresswell; Song, Nolan, Kouyate, Downing; Sakho, Carroll.

contact@afkashacabka.com