"Hogaankii hore ee SONYO Maalintii la Dooranayey Xaashi Cad ban u dhiibnay oo anu nidhi wixi idinku qorma ayanu idinkula xisaabtami, Xaashidi siidabay u caddahay"Xildhiban Cabdirashid.
Kulan Ballaadhan oo ay soo Qabanqaabisay Dallada isku xidhka iyo wacyigelinta Dhalinayrada Somaliland ee SYNA ayaa saka lagu qabtay Xafiiska Dallada SYNA ee Gobolka Togdheer.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen Inta Badan ururada Dhalinyarada ee Gobolka Togdheer , Qorayaasha , Bahda Sportska, Aqoonyahanka iyo Xildhibaanada Golaha Degaanka Degmada Burco, ayaa si adag loogaga hadlay Shirweynaha Berri uga Furmaya Dallada Ururada Dhalinyarada ee SONYO magaalada Hargeysa.
Waxana lagu Cambaareeyey Masuliyiinta Dallada SONYO isku kala Bedesha mar walba iyadoo si gaar ah loo taabtay Agaasimaha Sonyo Siciid Axmed oo isagu ah shakhsi la soo shaqeeyey ilaa 3 Guddomiye oo hore xilka agaasimahana inu cid ku wareejiyo ama la bedelo aan ogolaan.
Xildhibaan Mubarik Bidhi iyo Xildhiban Cabdirashid Farax cali oo uguhoreyn kulankaas ka hadlay ayaa sharaxay Muhiimadda kulanka ay Dallada SYNA soo Qaban qaabisay iyo sida ay Dhalinyarada Gobolada Bariga gaar ahaan Gobolkan Togdheer ugu Hungoobeen Dallada Magacooda sheegata ee an u shaqayn Dhalinyarada Somaliland.
Masuliyiinta Dallada SYNA ee Gobolka Togdheer oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa iftiimiyey in aanay iminka jirin cid si gaar ah Dhalinyarada u metesha oo la isku raacsanyahay marka laga reebo xukuumadda kolba jirta, waxayna aad u dhaliileen hogaanka SONYO oo ay ku tilmaameen shakhsiyaad ku danayta Magaca Dhalinyarada oo aan Dalka Saamayn iyo waxqabad muuqda oo dhalinyarada ah ku lahayn.
Xubno isugu jira Masuliyiinta Ururada Dhalinyarada, Kooxaha Sportska , Ardayda Jaamcadaha, iyo Naadiyada Akhriska ayaa farriin u diray Xukuumadda Somaliland isla markaasna sheegay inaanay SONYO u aqoonsan inay dhalinyarada Dalka metesho, isla markaasna la xisaabtanto Dallada SONYO ee ay u dhistay Dhismayaasha Quruxda Badan ee Dabaqyada ah, kuna Dedaasho sidii SONYO ay uga shaqayn lahayd Dalka oo Dhan si siman ama ay Ruqsadda kala Noqoto oo la xulo Dhalinyaro ka shaqaysa Danaha Dhalinyarada Somaliland ee Bari illaa Galbeed ku taxan, waxayna si miisaan leh uga sheekeeyeen Caqabadaha Dhalinyarada Gobolada Bariga gaar ahaan Gobolkan Togdheer Haysta, oo ay ku tilmaameen in Dhalinyarada Gobolada Barigu ka duruufo adag yihiin Dhalinyarada Caasimadda iyo Gobolada Galbeedka Somaliland.
Waa Markii ugu Horeysay ee kulan Miidii Dhalinyarada Gobolka Togdheer iyo Masuliyiinteedu ay isugu Timaado Kulan Noocan ah oo ay Baaq iyo Talooyin ugu Diraan Dallada SONYO iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Loo aqoonsaday Xukuumaddii ugu jeclayda Dhalinyarada Somaliland wixii xukuumado soo maray Dalka.

cabdirisaaq cabdilaahi aadan (koronto)
afkashacabka.com
Burco/Office
contact@afkashacabka.com