Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge oo xalay la hadlay warbaahinta afka Shabaab ku hadasha ayaa ka hadlay weerarkii shalay lagu qaaday xerada Xalane oo ah Taliska ugu weyn ee Ciidamada AMISOM.
Cali Dheere ayaa
sheegay inay weerar ku qaadeen waxa uu ugu yeeray xarunta sharta ugu
weyneyd ee Geeska Afrika laga maamulayay, isagoo xusay in dagaalyahano
ka tirsan Al-Shabaab ay si nabad qab ah ku galeen xaruntaas.
"Mujaahidiinta waxay
weerar diyaarsan ku qaadeen xarunta sharta ugu weyneyd ee geeska Afrika
laga maamulayay, xaruntaas ay degan yihiin gaalada ku soo duushay, hadey
ahaan lahaayeen heydadaha sirdoonka, ciidamada afrikaanta, iyo
saraakiishooda caddaan iyo madow, xaruntaasoo ah meeshii la dhihi jiray
dugsiga tababarka ee Xalane”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Waxaa uu sheegay inay
ku dileen weerarkaas ilaa 14 sarkaa ka tirsanaa AMISOM iyo afar sarkaal
caddaan ah, waxaana uu xusay in khasaarahaas uu ahaa horu dhac iyo warka
ay u soo gudbiyeen ragga hubeysan ee gudaha u galay xerada.
Cali Dheere ayaa
sheegay in weerarkan lagu soo beegay xilli ay socotay xaflad dabaal dega
ciida masiixiga, waxaana uu tilmaamay in goobta ay gaareen ay aheyd
meeshii ay ku sugnaayeen saraakiisha u sareysay, oo aan askari dable ah
iyo shacab midna aanay joogin sida uu yiri.
Sidoo kale waxaa uu
sheegay in weerarka ay ku qaadeen Xerada Xalane ay ugu aar-gudayeen
Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Sheekh C/raxmaan Abuu Zubeyr oo loo
yaqaanay Axmed Cabdi Godane, kaasoo horaantii bishii September
Mareykanka uu ku dilay duqeyn cirka ah meel ka mid ah Gobolka
Shabeellaha Hoose.
Ugu dambeyn Cali Dheere
ayaa sheegay in aanay nabad geli doono ciidamada ku soo duulay
Soomaaliya, isagoo xusay in cidii Soomaaliya soo gashay aanay nabad
ahaan doonin sida uu hadalka u dhigay.
contact@afkashacabka.com
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Oo Ka Hadlay Weerarkii Xerada Xalane Ay Ku Qaadeen
Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge oo xalay la hadlay warbaahinta afka Shabaab ku hadasha ayaa ka hadlay weerarkii shalay lagu qaaday xerada Xalane oo ah Taliska ugu weyn ee Ciidamada AMISOM.