
"Shaqo Walba Waxay u Muuqataa Mid adag oo aan la Qaban Karin ilaa laga Midho Dhaliyo" Wasiirka Madaxtooyada
Shaqo Walba Waxay u Muuqataa Mid adag oo aan
la Qaban Karin ilaa laga Midho Dhaliyo
"It Always Seems Impossible until It is done”
Shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Sanaag
waxay Cod dheer ku sheegeen in ay ka go’an tahay horumarinta gobolkooda
iyo caawinta dawladooda.
Safarka dheer ee Madaxaweynuhu ku Marayey
Xeebaha dalku waxay Fariin u tahay sida ay uga go’an tahay horumarinta Xeebaha
Dalka Dad iyo
Deegmooyin badan ayaa nasiib u helay in ay Arkaan Madaxweynaha Maamula
dalka abid intii ay Somaliland Jirtay
Maanta
waxay ahayd maalin mudan oo milgo badan, maanta waxay ahayd maalin cod dheer
shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Sanaag ay ku sheegeen in ay ka go’an
tahay horumarinta gobolkooda iyo caawinta dawladooda.
Dadka
reer ceerigaabo waxay maanta muujiyeen dareenkooda, waxay soo bandhigeen
sida ay ugu diyaarsanyihiin dhismaha wadada Sanaag-Togdheer iyo guud ahaanba
horumarka dalka, waxay far waaweyn ku qoreen taageerada ay madaxweynaha iyo
dawladiisa u hayaan. "Today
their action have spoken" waxay ficil ahaan ku muujiyeen maamuska ay
agtooda ka leedahay hirgalinta jidkan dheer ee dhibta badan.
Safarkii
dheeraa ee maalmihii u dambeeyey madaxweynuhu u kala gudbayey waddada
dheer ee barbar marta xeebteena dheer wuxuu daarnaa u kuurgalka & horumarinta xeebaha
dalka iyo dhaqaajinta Waddada Ceerigaabo wuxuu aha safar taariikhi ah oo in
badan iyo dhul badan u noqday xasuus ma guurto ah , dalkeena iyo dadkeena in
badan oo kamida waxay noqotay markii uugu horaysay ee ay arkaan Madaxweynaha
dalkooda maamula intii ay Somaliland jirtay abid.
Waxaa
farxad iyo bushaaro ah in waddada ceerigaabo dhaqaalihii aanu u diyaarinay
wixii suurtagal ka ahaa sanadkan, bulshada waa u bandhignay gudi dhaqaale
ururin arintaa isku hawlana madaxweynaha ayaa u magacaabay, qalabkiina waa loo
dalbay oo waakaa idin horyaala maanta ceerigaabo, hadii ay dadka qaar riyo iyo
lab la kac ugu muuqatay waataa la billaabay inagoo barbar taagan .
Hogaamiyaha
ayay caadadiisa tahay in uu arko wax aan markaa dadka u muuqan oo uu
suurtageliyo wax aan la filayn in uu dhici karo ... waa sidii laga soo wariyey
Hogaamiyihii Nelson Mandela in uu yidhi "it always seems impossible until it is done" , waxay marwalba u muuqaataa wax
aan suurogeli Karin ilaa la qabto.
Dadka reer sanaag waxaan ka codsanaynaa in ay hormuud ka noqdaan
qaadhaanka waddada dal iyo debedba, dadka reer Somaliland waxaan ka
codsanaynaa in ay caawiyaan oo is barbar taagaan, waxaanan ku kalsoonahay in
aan waddadan dhisi karo dalkana horumar gaadhsiin karno inagoo isku
duuban. Illaahayna waxaan ka rajaynayaa inuu dedaalka inagu guuleeyo tacabkana
inoo xasiliyo.
Wa Bilaahi Tawfiiq.
"Shaqo Walba Waxay u Muuqataa Mid adag oo aan la Qaban Karin ilaa laga Midho Dhaliyo" Wasiirka Madaxtooyada
Wasiirka Madaxtooyada somaliland ayaa ka dareen celiyey safarka madaxweynaha ee xeebaha dalka waxanu qoraal uu kaga hadlayo so dhoweyntii reer ceerigaabo ku baahiyey Boggiisa facebook iyo bloggiisa gaarka ah.. waxanu yidhi: