Daawo Video:Xildhibaano u soo jeediyey reer somaliland inay Madaxweynaha ugu abaalgudaan 5 kale iyo xildhiban ka jawabay warbixin Nicholas kay u gudbiyey qaramada midoobay

0
Tuesday March 18, 2014 - 10:13:03 in by Super Admin
  • Visits: 1794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video:Xildhibaano u soo jeediyey reer somaliland inay Madaxweynaha ugu abaalgudaan 5 kale iyo xildhiban ka jawabay warbixin Nicholas kay u gudbiyey qaramada midoobay

    Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud Jaamac, Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, iyo Xildhiban Cali Mareexaan oo la hadlayey warbaahinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud Jaamac, Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, iyo Xildhiban Cali Mareexaan oo la hadlayey warbaahinta

Qaar ka mid ah xildhibaanada Muxaafidka ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa amaanay safarka Madaxwaynaha Somaliland ku tagay Laasqoray iyo dedaallada waxqabad ee uu dalka ka wado.


Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxwaynaha Somaliland uu waajibaadkiisa gutay isla-markaana uu mudan yahay in shanta sanadood ee dambana la doorto.


Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud Jaamac, oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee laga soo doorto bariga gobolka Sanaag oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa yidhi "Madaxweyne kasta waxa uu jecel yahay inuu shacabkii soo doortay waxqabad gaadhsiiyo, waxaanan qabaa in Madaxweynaha hadda ee Somaliland uu wax qabad balaadhan sameeyey, waxaana mudan lagu taageero dedaalkaas uu sameeyey”


Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, ayaa isaguna yidhi "Madaxweyne waajibkaagii ayaad gudatay ummadana waxaan leeyahay mar haddii uu Madaxweynuhu waajibkiisii ka soo baxay waajibka inaga ina saarinana waxa weeyaan in qofkii wax qabtay aynu u abaal gudno Madaxweynahana ugu abaal gudno inaynu shanta sano ee danbe doorano”


Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa isugu si gaar ah uga hadlay war-bixin dhawaan ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nickalas Kay uu ka jeediyay qaramada midoobay, taasi oo xildhibaanku saluugay "Nickals Kay, wax alaale iyo wixii war-bixin uu sheegay waa waxba kama jiraan, waana war-bixino cadaawadi ku jirto marka runta laga hadlo, war-bixintii uu maalintii dhawayd jeediyay ayaa ka mid ahayd war-bixinnada cadaawada ah, tii ka dambaysay ee uu Banki Moon u gudbiyey ayaa ka mid ahayd, waxaas oo dhana meel kaliya ayaa Somaliland lagaga soo daray oo ahayd gudoomiye xisbi ama qolo mucaarid ah ayaa meel loo diiday” ayuu yidhi xildhibanku


waxaanu intaasi ku daray "Qaramada midoobay waxa ka socda Somaliland ee dhinac walba leh, marka ay war-bixin gaynayaan golaha amaanka waxa keliya ee ay Somaliland ka soo qaataan waxa weeyaan gudoomiye xisbi ayaa meel lagu joojiyey ama qolo mucaarid ah oo meel ka qudbadayn lahayd ayaa laga joojiyey waxaas horumar ah ee aynu ka sheekaynayno-na ma soo qaataan, magaca ay sitaanna waa Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto” ayu yidhi xildhibanku







Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com