Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland Ee Saaka Oo Kooram La'aan U Furmi Waayay iyo Hanjabaada Baashe Maxamed Faarax

0
Monday December 29, 2014 - 16:08:50 in by Burco Office
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland Ee Saaka Oo Kooram La'aan U Furmi Waayay iyo Hanjabaada Baashe Maxamed Faarax

    Fadhigii Maanta Ee Golaha wakiilada somaliland Oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha 1aad Baashe Maxamed Faarax Ayaa Kooram La'aan u Furmi Waayay. Waxa uu sheegay in Xildhibaanada Saxeexay Buuga Xaadiriska ee Fadhiga Ka maqan Ay Talaabo ka qaadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhigii Maanta Ee Golaha wakiilada somaliland Oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha 1aad Baashe Maxamed Faarax Ayaa Kooram La'aan u Furmi Waayay. Waxa uu sheegay in Xildhibaanada Saxeexay Buuga Xaadiriska ee Fadhiga Ka maqan Ay Talaabo ka qaadi Doonaan,Kuna Qaadi Doonan Xeer Hoosaadka golaha wakiilada. Baashe waxa uu Guddoomiyayaasha Gudida Joogta Ee Golaha wakiilada U soo jeediyay In Aanay Dhaafin Maal-maha Loo Asteeyay in ay Wasaaradaha La Kulmaan,waxaana uu sheegay Hadii ay Sidaas ku Sii Socdaan in ay Xilkooda ku Waayi Doonaan. "Xog-haynta waxaan ku Amrayaa Xildhibaanka Saxeexa Buuga Xaadiriska ee iska Baxa in ay u aqoonsadaan Xildhibaan Maqan,Xeer Hoosaadka Golahana Lagu Qaado Xildhibaanada Aan Fadhiga Golahu Yeesho Aan Kasoo Xaadirin. Guddoomiyaha 1aad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray. "Gudida Joogta ee golaha wakiilada Maalinta loo Asteeyay in ay la kulmaan Wasaaradaha Dalka Waa in ay ku eekadaan,Hadii ay Sidan ku siisocotana waxa ay ku Waayi Doonaan Xilka Ay hayaan,Gudida Joogtadu waa in ay Fadhiga Soo Ajiibaan,Guddoomiyayaashoodu waa in ay Fadhiga Joogaan,Xog-hayntana waxaan ku Amrayaa in ay ii so gudbiyaan Xildhibaanada Maqan iyo kuwa Fasax Qaatay. Maaha Markii ugu Horaysay ee Golaha wakiilada Somaliland Kooram La'aan u Furmi Waayo,Halka Ay Xildhibaanada Qaarkood Joogaan Gudaha Baarlamaanka,Guddoomiyaha 1aad Ayaa Awaamiir Culus Ku Soo rogay Xildhibaanada. contact@afkashacabka.com