Warsaxaafadeed:- Madasha Dhaqanka Iyo Dhalinyarada Somaliland Waxay Baaq U Diraysaa Dalada Dhalinyara Ee Sonyo

0
Monday December 29, 2014 - 16:47:14 in by Burco Office
  • Visits: 713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warsaxaafadeed:- Madasha Dhaqanka Iyo Dhalinyarada Somaliland Waxay Baaq U Diraysaa Dalada Dhalinyara Ee Sonyo

    War Saxaafadeed Kasoo Baxay Madasha Dhaqanka Iyo Dhalinrada Somaliland (Mdd) Ee U Dooda Xuquuqda Dhaliyarada Kana Hadasha Masiirka Iyo Waaqaca Dhabta Ah Ee Dhalinta Somaliland Ayaa Maanta Warsaxaafadeed Ka Soo BaxayWaxaa Ay DhaleecayUsoo Jeedisay Dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Saxaafadeed Kasoo Baxay Madasha Dhaqanka Iyo Dhalinrada Somaliland (Mdd) Ee U Dooda Xuquuqda Dhaliyarada Kana Hadasha Masiirka Iyo Waaqaca Dhabta Ah Ee Dhalinta Somaliland Ayaa Maanta Warsaxaafadeed Ka Soo BaxayWaxaa Ay DhaleecayUsoo Jeedisay Dalada Dhalinyarada Ee Sonyo Taas Oo Sida LaguSheegay Warsaxaafadeedkani Ka LeexatayMabdi'ii Iyo AjandihiiLoo Doortay Kaasi Oo Ahaa InayKa Duusho Masiirka Dhalinyarada Dalka.

 
 
 
Warsaxaafadeedkan Oo Ay Ku Saxeexan Yihiin MasuuliyiintaHaldoorka Ka Ah Madasha Dhaqanka Iyo Somaliland Oo Nuqul KamidiNasoo Gaadhay Ayaa MadashuSidoo Kale Waxaa Ay Baaq U DirtayDalada Dhalinyarada Ee SonyoKaasi Oo Ku Wajahan In Daladaasi Ku Magacaaban Magaca Dhalinyaradu AhKusoo Noqoto Ujeedooyinkii Loo Doortay Ee Ay Ku Matali Lahayde Dhalinyarada.
Warsaxaafadeedka Ayaa Sidoo Kale DhalinyaaradaKala Duwan Ee Ku Dhaqan Guud Ahaan
Gobolada Dalka Ugu Baaqay InayLa Xisaabtamaan Dalada Magacooda Ku Qadhaabsanaysa Hadii Wax Saxa Ay Ka Waayaana Ay Ka Tashadaan Aayahooda Iyagoo Warsaxaafadeedkani Madashu KuBayaamisay Inay Dhalinyarada Garab Istaagi Doonaan.
Warsaxaafadeedkan Oo Dhamays Tirana Waxaa U Qoran YahaySida:-
 
 
Warsaxaafadeed 28/12/2014
Ujeedo:- Baaq
Madasha Dhaqanka Iyo Dhalinyarada Somaliland Oo Dhawaan Ka Hano QaadayDalka Iyada Oo Kaashanaysa Dhalinyarada Somaliland Oo Ah Garbaha Madash Min Gobol Ilaa Degmo, Waxaa Ay Baaq U Diraysaa Dalada Dhalinyarada Ee Sonyo Taasi Oo Hada Shirweynaheedu Ka Socdo Magaalada Hargaysa.
Shirweynahan Oo AhShirweynihii 5aad Ee Dalada Sonyo Waxaa Ay Madashada Dhaqanka Iyo Dhalinyaradu Iyaga Oo Taageersan Jiritaanka Dalada Sonyo Kuna Taageersan Hadafkii Loo Aasaasay Ee Saxda Ahaa Kaasi Oo Hada U Muuqad Mid Ka Sii Baxaya.
Waxaa Madashada Dhaqanka IyoDhalinyarada Iyada Oo Og Baahiyaha Dhalinyarada, Iyo Waaqaca Jira Iyada Oo Ka Duulaysa Hadafka, Himilada Iyo Higsiga Dhalinyarada Waxaa Ay Baaq UDiraysaa Dalada Dhalinyara Ee Sonyo Oo Ka Leexatay HadafkiiLoo Doortay Ee Ay Ku MatalaysayDhalinyarada Iyada Oo NoqotayUrur Siyaasadeed Ay FaroGalin Siyaasadeed Soo Dhexgashay .
Waxaanu Ka Xunahay Khalkhalka Ku Yimi Habsami U Socodka Shirweynaha 5aad Ee Dalada Sonyo TaasiOo Ay Sababtay In Habsami U Socodkii Daladu Uu Ka Farabaxo Masuuliyiinta Dalaadaasi Kadib Faro GalinDibada Kaga Timi Darteed. Iyadoo AyMasuuliyadeedana Ay Dusha Ka Saaran Tahay Masuuliyiinta Dalada Sonyo.
Madashada Dhalinyaradu Iyada Oo Ka DuulaysaDhamaana Waxyaalahan Kor Ku XusanWaxaa Lagama Maar-MaanNoqotay Iyo Madashada Dhaqanka Iyo Horimarinta Dhalinyarada Somaliland Daba QabatoMasiirkii Dhalinyarada Oo God LaguRiday Iyada Oo Kaashanaysa Dhalinrada Somaliland.
1-Markaanu AragnayIn Daladii Dhalainyaradu Noqotay Madal Siyaasadeed Oo Kolba Siyaasigii Dan LihiKu Adeegto.
2-Markaanu AragnayInay Ka Leexatay Majarihii IyoHadafkii Loo Aasaasay Dalada Sonyo Iyo Hada Sida Ay U Shaqayso.
3-Markaanu EegnayQaabka Maamulka SanduuqaHorumarinta Dhalinyarada, Deeqaha IyoSaamiga Dhalinyarada Kala Duwan Gobolada Iyo Degmooyinka Somaliland

Waxaa Lagama Maarmaan Noqotay In DhalinyaradaLa Daba Qabto Oo Dib Loo Dhiso Ururo Kale Oo Mideeyaya Dhalinyarta Isla Markaana Loo SimanYahay Kana Madaxbanaan Siyaasada Iyo Wixii Ay Cagaha Ku Qaadato.Waa Hadii Daladu Sidaa KusiiSocoto.
Ugu Danbayn WaxaanuKula Talinaynaa Dalada SonyoHadaanu Nahay Masuuliyiinta Madasha Dhaqanka Iyo Dhalinyarada Somaliland In Madaxda Cusub Ee Loo Doorto Hogaanka Cusub Kadib Shirweynaha InayKusoo Dabaalaan Dalada SonyoUjeedooyinkii Saxada Ahaa Ee Loo Aasaasay Ee Ku Qoran Sharciyada Ururkaasi. Mahadnaq

Madashu Waxaa Ay UMahad Naqaysaa Qoraa Jaamac Muuse Jaamac Oo Sameeyey Xarunta Dhaqanka Ee Red Sea Online Halkaasi OoDhalinta Lagu DhiiriGaliyo Sidii Ay Usoo Saari Lahaayeen Bug Daabacan Oo Ka Hadlaayana Waaqaca, Arimaha Bulshada, Iyo Ururinta Dhaqanka.
 
Gudoomiyaha Madasha:-Dr Cabdifataax Xaashi Cadaani
Xoghayha Ururka:- Dr DiiriyeXuseen Jaamac
 
Madasha Dhaqanka Iyo Dhalinyarada Somaliland
 
Allaa Mahad Leh

contact@afkashaacbla.com