Maydadka Askar AMISOM Ah Oo Al-shabaab Ku Laysay Weerarkii Xalane Oo Laga Daad-gureeyay Muqdisho

0
Monday December 29, 2014 - 18:19:13 in by Burco Office
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maydadka Askar AMISOM Ah Oo Al-shabaab Ku Laysay Weerarkii Xalane Oo Laga Daad-gureeyay Muqdisho

    Wasiirka gaashaandhigga Uganda ayaa ku tilmaamay askarta maydadkooda dib loogu celiyay Kampala inay ka mid ahaayeen geesiyaashooda joogay Somalia, kuwaasoo lagu dilay weerar ay Al-shabaab ku qaaday xarunta AMISOM ee Soomaaliya xilli loo dabaal-dagaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka gaashaandhigga Uganda ayaa ku tilmaamay askarta maydadkooda dib loogu celiyay Kampala inay ka mid ahaayeen geesiyaashooda joogay Somalia, kuwaasoo lagu dilay weerar ay Al-shabaab ku qaaday xarunta AMISOM ee Soomaaliya xilli loo dabaal-dagayay ciidda masiixiga.


Saraakiishan maydadkooda la geeyay dalka Uganda ayaa la filayay inay dib ugu laabtaan magaalada Kampala gellinkii dambe ee Sabtidii aynu dhaafay si ay qoysaskooda oo xilli fog ay isugu dambeysay ay isku arkaan, laakiin waxay ku dhinteen weerarkii Al-shabaab.

"Xubnahan ayaa waxay ka mid ahaayeen kuwii Somalia u joogay in ay la dagaalamaan Al-shabaab, wax qoomamo ahna kama muujinayno in la soo celiyo maydadkooda, waayo geesiyaal ayay ahaayeen,” ayuu hadal uu jeediyay ku yidhi taliyaha ciidamada lugta ee Uganda. Maj. David Muhoozi.

Maj. Muhoozi ayaa sheegay in saddex ka mid ah ciidamadooda oo uu ku jiro sarkaal sare lagu dilay weerarkaas, isagoo dhanka kalena xusay in la dilay shan ka mid ah xooggaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday iyo saddex kalena nolosha lagu qabtay "Nasiib-darro saddex saaxiibbadeen ah oo uu ku jiro sarkaal ayaa lagu dilay weerarkaas,” ayuu hadalkiisa ku daray Maj. Mahoozi oo xusay in lagu aasi doono Kampala Isniinta maanta ah.

War-saxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah askar-tooda lagu dilay weerarkii lagu qaaday Xalane, balse waxaa ka hadashay iyaduna weerar-kaas Al-shabaab oo sheegtay inay ku dileen 14 ka mid ah ciidamada AMISOM oo ay ku jiraan saraakiil sare.

Xoogagga weeraray xarunta AMISOM ay Muqdisho ku leedahay ayaa shaaciyay inay ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoo gudaha u galay xaruntaas kana dagaalamayay muddo 24-saac ah.


Sarkaalka ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee lagu dilay weerarkaas ayaa lagu sheegay magaciisa, Col. Christopher Kaija, waxaana gabadh uu dhalay ay ku sheegtay barteeda Facebook-ga in warka ku saabsan dhismashada aabaheed uu ahaa mid murugo weyn ku reebay.

muqdisho/Office

contatct@afkashacabka.com