Maareeyaha Hay'adda Wadooyinka Oo Ka Hadlay Wax Qabadkisii Sanadka 2014. Iyo Dhismaha Wadada Ceerigaabo

0
Monday December 29, 2014 - 18:24:55 in by Burco Office
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Hay'adda Wadooyinka Oo Ka Hadlay Wax Qabadkisii Sanadka 2014. Iyo Dhismaha Wadada Ceerigaabo

    Maareeyaha Hay'addaHorumarinta Wadooyinka Ee Somaliland Pro. Xasan Cali Cismaan Oo Xafiiskiisa ugu waramaayay qaar kamida warbaahinta Dawliga ah, ayaa waxa uu faahafaahin ka bixiyay waxqabdka sanadka gebo-gebada ku dhow ee 2014-ka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Hay'addaHorumarinta Wadooyinka Ee Somaliland Pro. Xasan Cali Cismaan Oo Xafiiskiisa ugu waramaayay qaar kamida warbaahinta Dawliga ah, ayaa waxa uu faahafaahin ka bixiyay waxqabdka sanadka gebo-gebada ku dhow ee 2014-ka,


 

Waxana uugu horayn uu maareeyuhu ka hadlay Dhismaha jidka wadadda Ceerigaabo, wadda isku xidhi doontaMaroodi-jeex iyo Baligubadle kuwa lagu wado kaabista iyo dib udhiska ee hore u jiray, maareeyaha hay’adda horumarinta wadooyinka Prof. Xasan Cali Cismaan waxa uu masuuliyiinta xisbiyadda mucaardka ah uugu baaqay in aan la siyaasadayn dhismayaasha wadooyika ee Dalka kasocda islamarkaan loo baahanyahay in mucaard iyo muxaafidba laga wada qayb qaato horumarka wadanka ka socda,

 

uugu horayntiina isaga oo maareeyuhu arimaahsi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi” Sida runtiiya waxaa Sanadka inaga sii dhamaanaya Hay’adda horumarinta wadooyinka u qabsoomay shaqo aad u badan oo baaxadle wadooyinka ay ka shaqaynaysay qaar dhamaaday qaar socda iyo qaar diyaar garowgoodii lagu jiro intuba way jiraan, kuwa dhamaaday dadkuna way ogyihiin waxa badan oo horena waa tii Saxaafaddalaga sheegay qaybtii ka dhinayd wadda Dila ilaa Borama, waa tii ladhameeyay wadooyinka socdana waxa kamida Allaa Ibaday, Arabsiyo, Wadooyinku waa laba qaybood qayb Dawladu ay kaligeed wado iyo kuwo ay dadkuna wadaan Dawladduna Gacan ku siiso”,

 

Waxaa kale oo uu ka hadlay maareeyaha hay’adda wadooyinka halka ay marayso dhismaha wadda isku xidha Goboladda Togdheer iyo Sanaag, waxaana uu yidhi "Mashruuca uugu wayni waa wadada Burco iyo Ceerigaabo oo ah 284-KM oo runtii markii labilaabay ay dadku u arkayeen mid aan la qaban karin, maanta se u muuqda wax laqaban karo, Todobaadka danbe hadii Rabi Xukumo waxa aanu bilaabi doonaa 30-KM oo aanu saarayno Daamurkii oo hawshoodii kale oo dhamina ay dhamaatay ilaa Afartan kalena waxa socda Ciid Dhigistii iyo kaabadihii goobaha daad Mareenka ahaaay hawshoodi aad u socoto waxaana rajaynayaa in ilaa labadda todobaad ee Socda ay dhamaato oo lamaro 30-KM afartanka kalena aanu hawshooda wadno”


Isaga oo sii hadlaaya ayaa uu sheegay in ay u qorshaysanatay in ilaa bisha soo socota ee MAY ay u diyaar garoobayaan in la dhamaystito 100-KM ee ugu Horeeya Jidka wadada isku xidhi doonta Goboladda Togdheer iyo Sanaag,

Pro. Xasan Cali Cismaan waxaa kale oo uu ka hadlay Deeqaha ay shacabka Somaliland ugu yaboohi jireen wada Ceerigaabo isaga oo maareeyuhu Dhawaan safaro shakhsi ah iyo kuwo shaqaba ku tegay Wadamadda Carabta gaar ahaana wadanka Sucuudiga waxana uu u mahad celiyay jaaliyadda Somaliland ee Bariga wadanka sucuudiga gaar ahaan magaladda Damaam, oo uu ka gudoomay deeq lacageed oo ay ugu tala galeen Dhismaha wadadda Ceerigaabo.

contact@afkashacabka.com