Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan ayaa munaasibad Ballaadhan ku soo Bandhigay Riwaayad aad u Qiimo badnayd oo ay jilayeen Koox la yidhaa Dhaqan Dhowr oo Ka timi Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

0
Monday December 29, 2014 - 20:21:11 in by salman abdi
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan ayaa munaasibad Ballaadhan ku soo Bandhigay Riwaayad aad u Qiimo badnayd oo ay jilayeen Koox la yidhaa Dhaqan Dhowr oo Ka timi Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

    Riwaayadaasi oo ahayd wacyigelin Dadka soomaalida ah lagaga wacyigelinayey Jeclaysiga afafka iyo dhaqanada qalaad, laguna jeclaysiinayey Dhaqankooda iyo afkooda oo ay soo alliftay ama curisay Abwaan Yaasmiin Maxmed Kaahin ayaa Lagu Soo Bandhigay Barx

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Riwaayadaasi oo ahayd wacyigelin Dadka soomaalida ah lagaga wacyigelinayey Jeclaysiga afafka iyo dhaqanada qalaad, laguna jeclaysiinayey Dhaqankooda iyo afkooda oo ay soo alliftay ama curisay Abwaan Yaasmiin Maxmed Kaahin ayaa Lagu Soo Bandhigay Barxadda Sare ee Jaamacadd Addis University


Guddomiyaha Naadiga Halkaraan Bashiir Saleban Adan Raacdeeye aya Gobolka Togdheer iyo Madasha ba ku soo Dhoweeyey Abwaan Yaasmiin Maxmed  kaahin iyo kooxda ay hor kacayso ee Dhaqan Dhowr, waxanu tilmaamay in kooxdani noqonayso Kooxdii ugu miisaanka cuslayd uguna qiimaha Badnayd ee Sannadkan Sii Galbanaya ay halkaraan Casuunto, isagoo xusay in ilaalinta Dhaqanka iyo Afku yihiin wax loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo oo la iska kaashadona ay tahay, waxanu ugamahadceliyey abwaan yaasmiin bandhiga masraxiyaddan miisaanka culus iyo curinteedaba iyo weliba inay soo gaadhsiiso gobolka Togdheer.

Abwaan Yasmin Maxmed Kahin oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsantahay inay Burco timaado oo ay Reer Burco soo Gaadhsiiso Farriinteeda, waxanay xustay in Riwaayaddu is sharaxayso oo aanay u baahnayn Fasiraad iyo in wax laga yidhaahdo balse qofkasta oo Daawadaa uu fahmi Doono Nuxurka Macnaha ay Xambaarsantahay, waxay kaloo shegtay in wacyigelin ahaan ay riwaayaddan umarinayaan Gobolada Dalka oo Dhan isla markaasna Burco Caawa iyo sannadkan Nasiib u yeelatay, waxay uga Mahadcelisay Naadiga Halkaraan, Qabanqaabada iyo Dedaalka uu geliyey Qabsoomida Barnaamijkan iyo weliba Soo Dhoweynta ay Gobolka Togdheer ugu sameeyeen Bahda Dhaqan Dhowr.

Gebogabadiina Waxa halkaas Lagu soo Bandhigay Riwaayaddii Magaceedu ahaa HIIL BAAN U BAAHNAHAY oo ka hadlay Afka iyo Dhaqanka oo Hadlaya oo Bulshadiisa ka codsanaya Hiil iyo inay Dhulka Ka qaadaan oo ay kor u qaadaan lana tartan siiyaan Dhaqanka iyo Afka Dal walba oo aaduunka ka mid ahi leeyahay. 

contact@afkashacabka.com