"Meel Kasta Waxaan Ka Maqlayaa Qabiil, Qabiil ….. Sanad Ka Hor Ayaan Idinku Idhi Meeshaa Galbeedka Xumad Baa Ka Soo Socota.." Proff Samatar

0
Tuesday December 30, 2014 - 09:05:28 in by Super Admin
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Meel Kasta Waxaan Ka Maqlayaa Qabiil, Qabiil ….. Sanad Ka Hor Ayaan Idinku Idhi Meeshaa Galbeedka Xumad Baa Ka Soo Socota.." Proff Samatar

    Aqoon yahan Axmed Ismaaciil Samatar oo shalay ku soo laabtay wadanka ayaa habeenkii xalay hadal ka jeediyey xarunta dhaqanka ee Hargeysa (Hargeisa Cultural Center), kaasi oo uu kaga hadlayey horumarka iyo dhaqanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoon yahan Axmed Ismaaciil Samatar oo shalay ku soo laabtay wadanka ayaa habeenkii xalay hadal ka jeediyey xarunta dhaqanka ee Hargeysa (Hargeisa Cultural Center), kaasi oo uu kaga hadlayey horumarka iyo dhaqanka.


Profs Axmed Ismaaciil Samatar ayaa khudbadiisa waxa uu ku soo qaatay xaalada uu dalku marayo xilligan oo ay ka mid yihiin khilaafka galbeedka ka taagan, arrimaha qabyaaladda iyo caqabadaha uu qaadku ku leeyahay horumarka wadanka.

Prof. Axmd Ismaacii Samatar waxa uu khubadiisii xalay diirada saaray dhibaatooyinka uu qaadku leeyahay, taasi oo uu xusay in dalku horumar gaadhi doono haddii la xaliyo dhibaatooyinka bulshada ka haysta aqoon la’aanta, qabyaaladda iyo qaadka.

Profs. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlayey sida loo baahan yahay inay muwaadiniintu ka wada shaqeeyaan horumarka dalka ayaa waxa uu yidhi "Dadka oo dhami waxa ay leeyihiin wax kasta madaxweynaha ha loo geeyo, dee madaxweynuhu waa bani aadam daciif ah oo waxa loo baahan yahay in muwaadin kastaa ka shaqeeyo horumarka dalka”.

Proff: Axmed Ismaaciil sidoo kale waxa uu khudbadiisan ku soo qaaday arrimaha qabyaaladda ee dalka ka taagan isaga oo sheegay in ay muhiim tahay in la kala doorto qabiilka iyo wadanka oo haddii qabiilka la doorto uu wadanka burbur gaadhayo oo aynu dib u dhac ku dhacayno.

Axmed Ismaaciil Samatar oo arrimaha qabyaaladda ka hadlayaa waxa uu yidhi "Meel kasta waxaan ka maqlayaa Qabiil, Qabiil waxa aynu goosan doonaa ama go’aan ku gaadhi doonaa inaynu horumarno oo duulno iyo inaynu afka u dhacno oo aynu wadada dib u dhaca qaadno, taasina waxa ay ku xidhan tahay in wadanku noolaado iyo in qabiilku noolaado”.

Profs. Samatar oo ka hadlayey khilaafka galbeedka ka taagan ayaa waxa uu yidhi "Sanad ka hor ayaan idinku idhi meesha galbeedka xumad baad ka soo socota, dee haddii loo dhug yeesho uunbaa wax laga qabanayaa, waydinkaa maanta arkaya”.

Proff. Axmed Ismaaciil Samatar oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi "Qolooyin ayaa ii yimid oo igu yidhi sheeko cusub ayaa jirta oo hee ayaan idhi, waxay qolooyinkaa ii yimid igu yidhaahdeen dee madaxweynuhu marka uu shir u baxaya shan nin oo Isaaq ah ayuu kaxaystaa laba muunadana wuu ku darsadaa dee waan arkayoo waxbaa ka jira, maaha in la baraarugo oo la yidhaahdo dee hebel oo reer hebel ah ku soo dara ee waa in qof talo ku yeelan kara oo reeraha kale ah lagu soo daro”

Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlayey qaadka iyo mushkiladiisa waxa uu yidhi "Qaadka sanad kasta waxa dibada inooga baxa ku dhawaad 400 Milyan oo Dollar (Afar boqol oo Milyan oo dollar), taasina waa ta dib udhaca inagu keenaysa oo haddii aynu dhismaha wadadaasi ina dhibtay ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo u qoondayno 100 Milyan oo kaliya waynu dhisan lahayn”.

Proff. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa waxa uu hadalkii uu ka jeediyey xarunta dhaqanka Hargeysa ku dheeraaday sida la iskugu xidho Horumarka iyo Dhaqanka, isaga oo tilmaamay in caqabadaha bulshada haysta marka la xaliyo horumar la gaadho.

Proff. Axmed Ismaaciil Samatar maaha markii u horaysay ee dalka yimid, balse marar badan oo hore ayaa uu dalka yimid khudbado ka jeediyey Jaamacadaha dalka soona maray gobolada dalka, balse imaatinkiisa xilligan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli ay xaasaasiyad ka soo korodhay gobolka Awdal.



 

Contact@afkashacabka.com