Xidlhibaano Wejigabax Kala Kulmay Reer Awdal Iyo Madaxda Dhaqanka Gobolkaasi Oo Canaan Dusha Kaga Tuuray.

0
Tuesday March 18, 2014 - 11:58:07 in by Super Admin
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidlhibaano Wejigabax Kala Kulmay Reer Awdal Iyo Madaxda Dhaqanka Gobolkaasi Oo Canaan Dusha Kaga Tuuray.

    "Anagu Waxaan U Ragnaa Baarlamaanka Qolo Dantooda U Fadhida Golaha, Baarlamaan Sax Ah Idiinma Aragno, Yaa Arkay Baarlamaan Caytamaya, Ma Sharafbaa...."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Anagu Waxaan U Ragnaa Baarlamaanka Qolo Dantooda U Fadhida Golaha, Baarlamaan Sax Ah Idiinma Aragno, Yaa Arkay Baarlamaan Caytamaya, Ma Sharafbaa...."

Xubno Ka Socday Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Baarlamaanka Somaliland Oo Uu Horkacayay Gudoomiyaha Gudidaasi Mahdi Buubaa Oo Soo Gaadhay Magaalada Boorama Axadii Ayaa Maalintii Shalay Oo Isniinta Ahayd Ka Furay Gudaha Magaalada Boorama Guri Loogu Talogalay Xubnaha Baarlamaanka Ee Laga Doorto Gobolkan Inay Ku Eegaan Cabashooyinka Dadkii Soo Doortay, Waxaanay Xubnahani Intaas Ku Dareen In Hawshan Ay Ka Fuli Doonto Caasimadaha Lixda Gobol Ee Somaliland.

Hase Yeeshee Kulanka Lagu Furayay Gurigan Oo Ay Ka Soo Qaybgaleen Madaxda Gobolka Awdal Iyo Ka Degmada Boorama, Madaxda Dhaqanka Iyo Qaybaha Bulshada Qaarkood Ayaa La Isku Dhaafsaday Hadalo Canaan Iyo Waano U Badan Oo Ay Soo Jeediyeen Madaxda Dhaqanka Ee Halkaasi Ka Hadashay.

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil Ayaa Isagu Yidhi "Ragiina Halkan Maraya Waxaan Idiin Sheegaynaa Inaan Idinka War-Roonahay, Maxaa Yeelay Waxaan U Soo Joognay Ingiriis, Faransiis, Xabashi, Dawlad Soomaaliyeed Iyo Tan Nabada Lagu Hayo Ee Somaliland, Waxaad Noo Sheegteen In Isqabsiga Baarlaamkiinu Yahay Dimuqraadiyad, Waxaan Leeyahay Ma Baastooladaha Iyo Kuraasta La Isku Qaadanayo Ayaa Taa Ka Mid Ah, Anagu Waxaan U Ragnaa Baarlamaanka Qolo Dantooda U Fadhida Golaha, Baarlamaan Sax Ah Idiinma Aragno, Yaa Arkay Baarlamaan Caytamaya, Ma Sharafbaa, Dhegaha Waxaan Ka Maqalaa Qaar Ayaa La Xereeyay Oo Lacag La Siiyay, Idinkaan Idinka Maqalaa, Baarlamaan Sharaf Leh Idiinma Aragno, Hadaad Sidaa Tihiin Iskaga Noola Magaca, Guriga Wax Ma Qabto Ee Dadkaa Wax Qabta, Anagu Xildhibaanda Waxaan U Dooranaa Inay Ku Noolaadaan, Idina Sidaas Ayaad Tihiin, Kolka Aad Dadkiina Iyo Dalka Wax U Qabtaan Ayaan Baarlamaan Idiin Arkaynaa”.

Gunaanadkii Kulankan Oo Ahaa Midkii U Horeeyay Ee Xubno Ka Socdaa Kulan Wadatashi Ah La Qaataan Qaybaha Bulshada Boorama Ayaa Noqday Mid Wejigabax Ku Riday Xubnaha Ka Socday Gudida Joogtada Ah Ee Baarlamaanka, Maadaama Xubnihii Kaga Jiray Gobolka Awdal La Sheegay In Gudoomiyuhu Kaga Yimid Boorama, Loona Malaynayo Inay Sababtay Maqnaashahooda Khilaafkii Baarlamaanka Ee Xubnahaasi Raaceen Amase Ku Biireen Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye.

Ilo Xogogaal Ah Oo Xafiiska Haatuf Ee Boorama U Xaqiijiyey In Gudoomiyaha Gudida Joogtadu Uga Yimid Xubnahaasi Isaga Oo Dhaqaalaha Gunada Ee Ay Leeyihiin Gudidooda Joogtado Ah Ay Ku Doonayaan Inuu Tirada Yareeyo Si Kharasha Hawshan Loogu Talogalay Uga Helo Dheef Dhaqaale IWM, 

Waxa Kale Oo Taas Wehelinayay In Gudoomiyaha Gudidan Lagu Dhaliilay Sifa Uu U Qaatay Xubnaha Shaqaalaha Ka Noqonaya Gurigan Oo Musharkooda Ay Bixinayaan Baarlamaanka, Taas Oo La Sheegay In Uu Qaatay Xubno Taageersan Xisbiga Wadani Oo Xubin Firfircoon Uu Ka Yahay Gudoomiyaha Gudida Joogtada Ah Mudane Mahdi Buubaa, Hore Waxay Shacabka Reer Awdal Xogogaal U Ahaayeen Sidii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane C/Raxmaan Ciro Uu Gudiyadii Iyo Xoghaymihii Gudiyada Baarlamaanka Ee Golaha Uu Uga Sifiyeeyay Xubnaha Baarlamaanka Somaliland Kaga Jira Gobolka Awdal, Waxaana Ka Mid Ah Gudiyadaasi Gudan Oo Uu Gudoomiye Ka Ahaa Xil. Maxamed Barkhad Miigane Oo Si Beelaysan Gudoomiye Ciro Ugu Dhiibtay Xil, Mahdi Buubaa Oo Ay Beel Isku Yihiin Iyo Gudiyada Kale Gudoomiyayashooda Oo Aanu Mudane Ciro Gudina Gudoomiye Uga Dhigin Xildhibaan Ka So Jeeda Gobolka Awdal, Waxaanay Shacabka Gobolkan Taasi Ku Abuurtay Halka Xisbiga Wadani Cadaalada Dalka Ka Taagan Yahay Inay Ka Dheehan Karaan Sida Gudoomiye Ciro U Xushay Gudiyada Baarlamaanka.







SOURCE: HAATUF