C/weli Gaas oo Sheegay in ay weli wadaan Howlgallo ka Dhan ah Al-shabaab

0
Tuesday December 30, 2014 - 19:36:54 in by Burco Office
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/weli Gaas oo Sheegay in ay weli wadaan Howlgallo ka Dhan ah Al-shabaab

    Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ciidamada Puntland ka wadaan buuraha galgala iyo hareeraheeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ciidamada Puntland ka wadaan buuraha galgala iyo hareeraheeda.


C/weli Gaas oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in howlgalladaas ay meel fiican marayaan, isla markaana ay ku qab-qabteen tiro saraakiil ah oo muhiim u ahaa Xarakada Al-shabaab.

"Howlgalkaas meel wanaagsan ayuu marayaa, bishii Oktoobar ee sannadkan ilaa iyo hadda howlgalku si xoog leh ayuu uga socdaa Galgala iyo dhulka ugu badan ee Al-shabaab ku sugnaayeen, shalay iyo dorraad howlgalo ayaa ka dhacay aaggaas,” ayuu yiri C/wali Gaas.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland wuxuu intaas ku daray in maalmo ka hor ay Garoowe ku qabteen xubin muhiim ah oo Al-shabaab ka tirsan, kaasoo uu tilmaamay inay dhawaan soo bandhigi doonaan.

"Howlgalkii u dambeeyay shalay iyo doraad ayuu ka dhacay Galgala, tiro ka mid ah raggaasna waa la qabtay nimankaas waa la qabtay, qaarkoodna waa la dilay, kuwa ugu waa-weynaa ee kasoo baxsaday ayaa magaalada Garowe ku qabanay,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay barnaamijka la xisaabtan wasaaradaha Puntland sannadkii lasoo dhaafay, wuxuuna intaas raaciyay in barnaamijkan looga gol-leeyahay sidii wixii u qabsoomay iyo kuwa aan u qabsoomin loosoo bandhigi lahaa, dadkana ay la wadaaageen.

Ugu dambeyn, C/weli Gaas ayaa horraanta sannadka cusub wuxuu dabaal-degi doonaan sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegatay, markii xilka madaxweynaha Soomaaliya loo doortay horraantii sannadkan.