Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Oo Soo Gabogabeeyay Tababar Socday 10 Maalmood

0
Wednesday December 31, 2014 - 09:17:02 in by salman abdi
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Oo Soo Gabogabeeyay Tababar Socday 10 Maalmood

    Ururka Dhakhaatiirta Somaliland waxa uu maalintii doraad tababar u soo xidhay dhakhaatiir ka kala socotay Gobollada Awdal, Gabilay, Saaxil iyo maroodi-jeex.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Dhakhaatiirta Somaliland waxa uu maalintii doraad tababar u soo xidhay dhakhaatiir ka kala socotay Gobollada Awdal, Gabilay, Saaxil iyo maroodi-jeex.


Tababarkan oo socday muddo 10-cisho ah, ayaa waxaa ay dhakhaatiirtu ku baranaayeen daryeelka hooyada iyo dhalaanka iyo sidii loogu gargaari lahaa xiliga ay u baahan yihiin daryeelka isla markaana ay u heli lahayeen adeeg caafimaad oo ku filan. Waxaana tababarkaasi oo lagu qabtey Cisbitaalka guud ee Hargeysa ururka ka caawiyey Hay’adda THET.

 


 

Ugu horayn Agaasimaha fulinta ee ururka dhakhaatiirta Dr Maxamed Yuusuf Cilmi, oo xidhitaankii tababarkaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay dhibaatooyinka soo gaadha hooyada iyo dhalaanka, waxaanu yidhi "Inaga marka la eego Soomaalida oo dhan oo Somaliland-na qayb ka tahay waa labada waddan ee adduunka ugu dhimashada badan ee Hooyada iyo dhalaan, waddanka labaadna waa Af-gaanistaan, markaas xaaladdaas wixii laga hawlgalil ahaa ayay tahay tababarkaas aynu qaadanay”

Agaasimaha oo sii hadlaya ayaa sheegay "Marka gabadhii si caadiya u umuli waydo idinkuna aad joogtaan meelihinii maaha in Hargeysa Baabuur loogu soo qaado ama Ceerigaabo lagaga soo qaado maaha ee waa in dhakhtarka halkaas joogaa uu xaliyo, ujeeddada ugu danbaysa ee aanu ka leenahay tababarkuna waa taasi”

Guddoomiyaha Ururka dhakhaatiirta Somaliland, Dr C/rashiid Xaashi Cabdi, ayaa isaguna yidhi "Tababarkani maaha kii ugu horeeyay ee ururka dhakhaatiirta Somaliland uu siiyo dhakhaatiirta xubnaha ka ah ururka, kana waxa uu ka mid yahay kuwa aan ugu tala galnay in lagu badbaadiyo dhibaatooyinka soo gaadha xiliga hooyadu uurka leedahay ama foosha ay tahay, ama marka uu ilmuhu nugul yahay kaalamada iyo gacanta sidii wax loogu qaban lahaa hooyada iyo ilmahaas soo dhashay” 




Contact@afkashacabka.com