
Xildhibaan Mubarik Bidhi oo Deeq Direys ah oo loogu talo galay shaqaalaha Dawladda hoose ku wareejiyey xoghayaha Dawladda Hoose +SAWIRO
Burco(Afkashacabka) Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Oo ka Mid ah Xildhibanada Golaha Degaanka Ee Degmada Burco ayaa Maanta Dirays Uu Ugu Talo-Galay Shaqalaha kale Duwan Ee
Burco(Afkashacabka) Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Oo ka Mid ah Xildhibanada Golaha Degaanka Ee Degmada Burco ayaa Maanta Dirays Uu Ugu Talo-Galay Shaqalaha kale Duwan Ee ka Howlgala Dowlada Hoose Degmada Burco ku Warejiyay Xoghayaha Fulinta Dowlada Hoose.
Dirayska Uu Xildhiban Mubaarig Bidhi ku Warejiyay Dowlada Hoose Burco ayaa ka Koobnaa Dirayska Shaqalaha Waaxda Nadaafada iyo Fayo Dhowrka Dowlada Hoose ee degmada Burco.
Xildhiban Mubarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Oo ka Hadlay Dirayskani Uu Ugu Deeqay Dowlada Hoose ayaa Shegay in Aanay ahayn Markii Ugu Horaysay Ee Uu Deeq Noocan Oo Kale ah ku Warejiyo Maamulka Dowlada Hoose. Waxanu yidhi "Waxaan Donayaa inaan Maanta Dirays Tiro Badan ku Warejiyo Maamulka Dowlada Hoose Burco,Dirayskani Aan Ugu Deeqay Shaqalaha Dowlada Hoose Wuxuu ka Kooban Yahay Dirays Tiro Badan Oo Aan Ugu Talo Galay Waaxyaha Nafada iyo Fayo Dhowrka Dowlada Hoose,Runtii Dirayskani Waxaan ka Keenay Wadanka Uk Oo Dhawaan ka imi,Waxanan Ugu Talo Galay inaan Tayeeyo Shaqalaha Dowlada Hoose,Deeqdani Aan Maanta ku Warejinayaa Dowlada hoose Waxay Noqonaysaa Markii Labaad Ee Deeq ku Warejiyo Shaqalaha Dowlada Hoose,Runtii Qalab Kale Oo Aan iyagana Ugu Talo Galay Dowlada Hoose Waxay Yalaan Dekeda Berbera Oo Aan Dhawaan insha-allah iyagana ku Warejin Doono Dowlada Hoose" Ayuu Yidhi Xildhiban Mubaarig Yusuf Cilmi (Bidhi)
Xoghayaha Fulinta Dowlada Hoose Burco Cismaan Maxamed Sheikh Oo isaguna ka Hadlay Wareejinta Deeqdani Dirayska ah Ee Loogu Talo-Galay Shaqalaha Dowlada Hoose ayaa isna u mahadceliyey xildhiban bidhi oouu sheegay inay tahay markii 2aad ee uu deeq noocan ah soo gaadhsiiyo dawladda hoose iyo shaqaalaheeda, waxanu yidhi "Runtii Waxaan Maanta Markii Labaad Deeq Uu Ugu Tallo-Galay Shaqalaha Dowlada Hoose ka Gudomayaa Xildhiban Mubaarig Bidhi Oo ah Xildhiban Firfircon Una Diyaar ah Horumarka Degmada Burco,Aad Baanan Xildhibanka Uga Mahad Celinaynaa inuu Agab Jeebkisa ah ku Warejiyo Dowlada Hoose,Dirayskani Waa Dirays Qiimo Leh Oo Anfacaya Shaqalaha Dowlada Hoose,Waxaan Bulshada Reer Burco ku Baraarujinayaa inay Shaqalaha Dowlada Hoose Tagero la Barbar istaagan si ay Kor Ugu Qaadan Tayadooda Shaqaleed" Ayuu Yidhi Xoghayaha Fulinta Dowlada Hoose Burco.
Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi oo kamid ah xildhibaanada ugu firfircoon uguna waxqabadka badan xildhibanada golaha degaanka ayaa inta badan ku mashquulsan Sidii Uu u Horu-Marin Lahaa Degmada Burco.
Afkashacabka.com
Burco /Office
Contact@afkashacabka.com
HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA DIREYSKA LAGU WAREJIYEY DAWLADA HOOSE
Xildhibaan Mubarik Bidhi oo Deeq Direys ah oo loogu talo galay shaqaalaha Dawladda hoose ku wareejiyey xoghayaha Dawladda Hoose +SAWIRO
Burco(Afkashacabka) Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Oo ka Mid ah Xildhibanada Golaha Degaanka Ee Degmada Burco ayaa Maanta Dirays Uu Ugu Talo-Galay Shaqalaha kale Duwan Ee