Suxufiyiinta, siyaasinta iyo masuliyiinta Qaranku Maxay ku sifeeyeen Shakhsiyaddi Marxuum Maxamed Rashiid

0
Wednesday December 31, 2014 - 18:43:35 in by salman abdi
  • Visits: 791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suxufiyiinta, siyaasinta iyo masuliyiinta Qaranku Maxay ku sifeeyeen Shakhsiyaddi Marxuum Maxamed Rashiid

    Xabaalaha Xeedho ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, ayaa shalay aas qaran loogu sameeyay Alle ha u naxariistee Xoghayihii ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xabaalaha Xeedho ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, ayaa shalay aas qaran loogu sameeyay Alle ha u naxariistee Xoghayihii ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA,


Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, kaasi oo dhaawac ka soo gaadhay shil baabuur ugu geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Nairobi.

Marxuum Maxamed Rashiid oo Maydkiisa laga soo dejiyey Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, abbaaro 11:30 duhurnimo ee shalay, ayaa waxa aaskiisa ka qayb-galay dhowr kun oo qof, kuwaasi oo iskugu jiray Hoggaamiyayaasha asxaabta siyaasadda ee Somaliland, Wasiirro, Madax-dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo saxaafadduna ka mid tahay.

Marxuum Maxamed-rashiid, ayaa dadweynihii ka qayb-galay aaskiisu uga markhaati kaceen inuu ahaa ruux karti badnaa oo naftiisa iyo Maalkiisaba u huray Madax-banaanida saxaafadda Somaliland, taasi oo isaga oo ku guda jira shaqadeeda uu ku god-galay.


 

 

Marxuumka oo taariikh dheer ku lahaa shaqada Saxaafadda, kana shaqeynayey ilaa markii Somaliland dib loogu soo noqday 1991-kii, ayaa shaqsiyaadkii ka hadlay geeridiisu waxay dareenkooda u cabbireen siyaabo kala gedisan. Waxaana masuuliyiinta qaarkood ku sifeeyeen inuu la mid ahaa Aabihii saxaafadda Somaliland, Marxuum Tuur Cabdi Shide "Alle ha u naxariisto Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, oo aanu saaxiib ahayn, wax kale odhan maayee waxaan ku sifeyn lahaa oo uu la mid ahaa uun Marxuum Tuur Cabdi Shide” sidaa waxa yidhi, Taliye ku xigeenka booliska ee qaybta bariga Hargeysa, Mahdi Nuur (Lixle)

Wariye Aaden Cabdi Ciidle, ayaa isaguna sheegay "Maxamed-rashiid wuxuu ahaa samo-fale, wuxuu ahaa tiir culus oo aan la ilaawi doonin” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Wuxuu ahaa nin u halgama xoriyatul-qowlka, wuxuu ahaa Nin Hargeysa ilaa Laascaanood halkii suxufi lagu waxyeeleeyaba cagihiisa ku taga”

Wariye Maxamed Sagax oo isaguna Ka hadlay waxa uu ka yaqaanay shaqsiyadda Marxuumka ayaa yidhi "Maxamed-rashiid wuxuu ahaa kuwo shaqada saxaafadda fadli kaga doonaya ILAAHAY, waxaanu maanta godka la galay xaqii”

Alle ha Naxariistii Marxuum Maxamed-rashiid ayaa sidoo kale Tacsi u diray Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen waxaanu yidhi "Maxamed-rashiid wuxuu ahaa nin halyey ah oo geesi ah, waayo wuxuu ahaa nin aanu soo wada shaqeynay oo aanu xaalado adagna soo wada marnay, wuxuu ahaa nin aan mowqifkiisa la iibsan karin oo damiirkiisu foojigan yahay”

Waxa kale oo Marxuumka Tacsi u diray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, waxaanu yidhi "ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu u naxariisto Marxuum Maxamed-rashiid, ehelkii, qaraabadii iyo saxaafaddana uu Samir iyo iimaan ka siiyo”

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay "Maxamed-rashiid wuxuu ahaa qof bulshaawi ah oo saxaafaddu ku urursan tahay oo hayin ah oo cid walba og” ayuu yidhi, wasiir ku xigeenka warfaafintu. 





Contact@afkashacabka.com