Burco: Xiisad ka Taagan Dhuldaaqsimeed Daaro iyo Baraago laga Dhisayo iyo Kooxo hubaysan oo is ku hor fadhiya Degaankaas

0
Thursday January 01, 2015 - 09:08:56 in by Super Admin
  • Visits: 894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco: Xiisad ka Taagan Dhuldaaqsimeed Daaro iyo Baraago laga Dhisayo iyo Kooxo hubaysan oo is ku hor fadhiya Degaankaas

    Odayaasha iyo waxgaradka Degaanka Ballihiile ayaa Qaylodhaan ka Diray Xaalad ka aloosan Balliga Saalax Dhegoole oo ka tirsan Degaanka Ballihiile isla markaasna Kulmiya Degaanaada Godorka, Iskudhoon,Naq Dhibiijo iyo Geedi haan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odayaasha iyo waxgaradka Degaanka Ballihiile ayaa Qaylodhaan ka Diray Xaalad ka aloosan Balliga Saalax Dhegoole oo ka tirsan Degaanka Ballihiile isla markaasna Kulmiya Degaanaada Godorka, Iskudhoon,Naq Dhibiijo iyo Geedi haan.


Odayaashan oo Qaar kamid ahi Warbaahinta la hadleen ayaa xusay in koox hubaysani Degaamaynayso Balliga Saalax Dhegoole islamarkaaasna ka dhisteen Guryo Daaro ah,Jebiyeen Digreetadii iyo Xeerkii Madaxweynuhu ka soo saaray Dhul Daaqsimeedka, waxayna xuseen in maamulka Gobolka Togdheer ay gaadhsiiyeen Qaylodhaanta iyo Xiisadda Colaadeed oo ka dhalan karta Deganadaas.

Degaanka Qaylodhaantu ka soo yeedhayso oo ah DhulDaaqsimeed kulmiya Degaanaada Godorka, Iskudhoon,Naq Dhibiijo iyo Geedi haan isla markaasna Dadka Degaankaas Xooluhu u Daaqi jireen ayay isku hor fadhiyaan Ciidamada degaankaas iyo kooxo hubaysan oo iyaguna kuhawlan Dhismaha Daaro iyo Baraago laga hirgelinayo halkaas.

Guddomiyaha Degaanka Ballihiile oo warbaahintu wax ka waydiisay Xaaladda Degaankaas ayaa Ka Dayriyey isla markaasna Tilmaamay inay is hor fadhiyaan kooxo hubaysan oo qaarna Diidan yihiin in la Dhisto oo la Dego Dhul Daaqsimeedka qaarna kawadaan Dhismaha iyo Qodista Baraagaha, Wuxu Guddomiyuhu sheegay in Badhasabka Gobolka Togdheer iyoTaliyaha Qaybta Booliskaba ay xaaladda ku wargeliyeen, isla markaasna Ciidamo boolis ahi Meesha tageen, kana joojiyeen Dadkii Dhisanayey ee baraagaha ka qodayey balse an wax tallaabo ah oo kale laga qaadin markii Boolisku ka soo Noqdayna Dib loo bilaabay Dhismayaashii iyo qodistii Baraaagaha, Guddomiye Jaamac Bile isaxaaq wuxu tilmaamay in Maalmahanba ay Gobolka iyo Taliska Qaybta joogeen isaga iyo odayaal kale oo badan oo Degaanka ahina la socodsiiyeen xaaladda Degaanadaas haddii an wax laga qaban inay abuuri karto xiisad la mid ah Tii Balliga Diiriye Guuleed ee Dhowaan Dadku ku dhinten kuna Dhaawacmeen.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer iyo Badhasabka Gobolka oo aanu isku Daynay inaanu wax ka waydiino waxa ay ka ogyihiin xaaladda Degaanadaas ayaanay noo suurogelin Telefoonadooda oo xidhnaa awgeed.

Dhul Daaqsimeedyada degaanada Miyiga ayaa hore madaxweynaha Somaliland uga soo saaray wareegto sharci ah iyo xeerar isla markaasna la mamnuucay inaan la degaamayn Karin lana Degi Karin meelaha Dhul Daaqsinka ah ee Dadku wada manafacaad sadaan, waxana Dhacdadani Burinaysaa Xeerkaas iyo Digreetadaas Madaxweynaha iyadoo haddii Tallaabo Degdeg ah xukuumaddu ka qaadi waydona ay keenayso inay soo noqoto khilaafaadkii dhulka iyo degaamayntu ee marka horeba madaxweynuhu ka soo saaray xeerarka iyo Digreetada isla markaasna xiisado kale oo hore leh ku abuuri karta hannaanka Nabadgelyo ee qaranka.




 

 

Contact@afkashacabka.com