Maamulka Puntland Oo Ku Dhawaaqay In Laga Caawiyo La Dagaalanka Argagixisada

0
Tuesday March 18, 2014 - 23:00:13 in by Super Admin
  • Visits: 979
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland Oo Ku Dhawaaqay In Laga Caawiyo La Dagaalanka Argagixisada

    Dowladda Puntland oo feejignaan kaga jirta firxadka kooxda Al-shabaab ee lagula dagaalamayo koonfurta dalka Soomaaliya ayaa dalab u jeedisay beesha caalamka, kadib markii qodob khuseeya ammaanka ay kaga hadleen Shirkoodii Golaha Wasiirada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Puntland oo feejignaan kaga jirta firxadka kooxda Al-shabaab ee lagula dagaalamayo koonfurta dalka Soomaaliya ayaa dalab u jeedisay beesha caalamka, kadib markii qodob khuseeya ammaanka ay kaga hadleen Shirkoodii Golaha Wasiirada.

Golaha ayaa isla soo qaaday dagaalka kooxda al-shabaab ee ka socda koonfurta iyo saamaynta uu ku yeelan karo Puntland, waxaa kaloo la gorfeeyey taageerada beesha caalamka ay ku bixiso la dagaalanka Argagixisada ee Soomaaliya.

 

Puntland waxay mar kale ku celisay in aanay u baahnayn ciidamada AMISOM inay ka caawiyaan dagaalka lagula jiro ururka, maamulka ayaa ka dalbaday beesha caalamka in Puntland lagu taageero dagaalka ay kula jirto Ururka al-Shabaab.

 

 

 

"Puntland uma baahna ciidamo ajaanib ah iyo kuwa AMISOM ah, laakiin, waxaan u baahanay taageero dhan loo jistikada ah iyo qalabka ciidanka” Ayuu yidhi Afhayeenka xukuumada Cabdulaahi Quraan-jecel.

 

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa Eng. Cabdixakiin Camey ayaa isku raacay in beesha caalamka loo jeediyo baaqaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka golaha wasiirada ee shalay

 

 

 

Afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay in uu jiro dhaqaale, qalabayn iyo tababaro lagu soo qaado la dagaalanka Argagixisada, balse ku kooban koonfurta dalka "Puntland waxay ka mid tahay federaalka Soomaaliya, waxay ku taala dhul nabad ah maamul ahaan iyo ciidan ahaanna isku filan”


Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com