"Madaxwaynaha Aad Ayaan ugu Mahad Naqayaa,waxaana uu dajiyay Xaalad Sifool Xun u Kacsanayd oo waliba ...."Muj Cali Gurey

0
Saturday January 03, 2015 - 16:35:19 in by salman abdi
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxwaynaha Aad Ayaan ugu Mahad Naqayaa,waxaana uu dajiyay Xaalad Sifool Xun u Kacsanayd oo waliba ...."Muj Cali Gurey

    Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga Mucaaradka Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa soo dhaweeyay Hadalka Madaxwayne Siilaanyo kaga hadlay Siyaasiyiinta ku tartamayay Doorashada Madaxwayne Siilaanyo Dabadii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga Mucaaradka Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa soo dhaweeyay Hadalka Madaxwayne Siilaanyo kaga hadlay Siyaasiyiinta ku tartamayay Doorashada Madaxwayne Siilaanyo Dabadii.

waxa uu sheegay in ay Dhamaatay Hadaladii ay Shacabka ku Jah-wareeriyeen isaga oo sheegay Kala Saaridoodii Ay doonayeen Siyaasiyiintu uu Madaxwaynahu wada saaray.

Musharaxnimada ay Hayb-sanayeen Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Dabadiina Waxa uu Mujaahid Cali Guray ku Tilmaamay Mid Khalad Ahayd Markii Horeba.

Sidaasna waxa uu ku sheegay Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray Mar uu Maanta Qaar Ka Mid Ah saxaafada kula Hadlayay Magaalada hargaysa waxaana uu hadalkiisa ku Bilaabay

Sidan.

"Madaxwaynaha Aad Ayaan ugu Mahad Naqayaa,waxaana uu dajiyay Xaalad Sifool Xun u Kacsanayd oo waliba Rag Siyaasiyiin Ah Ay wad-wadeen oo keentay in Boqolaal Qof iyo Kharash Ciida Ka badan Lagu Bixiyo Tartan musharaxnimo oo Aan jirin.

Guddoomiyaha Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa Siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray.

"Madaxwaynaha Somaliland Markan iyo Marar Horeba wuu Cadeeyay inuu yahay Musharaxa Kulmiye Doorashadan Doorasho ka Danbaysaana In loo Tartamaa Khalad wayn ayay Ahayd,Doorashadan Hada La Sugayo hadayay Nimankaasi Axmed Siilaanyo la Tartami Lahayeen Ayuunbay Sax Noqon Lahayd.

dhinaca kale waxa uu sheegay Cali Guray in Soo Gaba-gabawday Hadaladii Ay Wadeen musharaxiinta Doonayay Doorashada Axmed Siilaanyo Dabadii Hadaladoodii Sida uu sheegay Cali Guray.

"Muuse Biixi,Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdi Casiis Samaale Saddexdooduba way cadeyeen inaanay Madaxwaynaha u dayeen In Ay la tartamaan doorashada Madaxtinimada ee Soo Socota,Markaas Hadaladii Shacabka Lagu Jahwareeriyay way iska dhamadeen Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyana waanu ku hambalyaynayaa Xaaladaas uu dajiyay oo Anagaba Saamayn Nagu Yeelan Lahayd.

Sidoo kale waxa uu sheegayā€¯Nimankaas Kala Saaridooda Hadii uu Madaxwaynahu Wada Saaray Aad ayuu u mahad San yahay" .Sidaas ayaa uu yidhi Mujaahid Cali Guray.

Gaba-Gabadii Waxa uu shacabka islaamka Ah ee jooga Dunimada Dacaladeed ku Hambalyeeyay Maalinta Mawtul Nabiga isaga oo u rajeeyay in Sanadkan Sanadkiisa ilaahay ku gaadhsiiyo Bash-bash iyo Barwaasho Shacabka somaliland.


Contact@afkashacabka.com