Daawo:Hargeysa Oo Si Balaadhan Looga Xusay Xuska Dhalashadii Nebiga CSW oo Maanta ku Beegnayd

0
Saturday January 03, 2015 - 17:37:06 in by salman abdi
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Hargeysa Oo Si Balaadhan Looga Xusay Xuska Dhalashadii Nebiga CSW oo Maanta ku Beegnayd

    Iyadoo Guud ahaan Caalamul islaam laga xusaayo Xuska Maalinta dhalashada Nabigeenii Subnaa,(N N K H) ayaa maanat wax si weyn looga xusay guud ahaan Dalka Somaliland Gaar ahaan Caasimada Hargeysa ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo Guud ahaan Caalamul islaam laga xusaayo Xuska Maalinta dhalashada Nabigeenii Subnaa,(N N K H) ayaa maanat wax si weyn looga xusay guud ahaan Dalka Somaliland Gaar ahaan Caasimada Hargeysa ,

kumanaan Dad weyne kala duwan oo isugu jira Culimo awdiinn aad u tiro badan, Siyaasiyiin Iyo Waliba Marti sharaf aad u tiro badan.

Munaasibadan oo si wada jira ay u soo qabanqaabiyeen Jamciyatul Axbaab Iyo Xildhibaan Axmed Yaasin SH Cali Ayaanle oo ka mida Xildhibaanada Aqalka golaha Wakiilada Somaliland .

Ugu horayn wax halkaa ka hadlay/raxmaan Aw faarax oo isagu ka socday wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland "axbaabta Rasuulka ee halkan isugu timi dhamaantiin waxaan idin leeyahay nabad galyo kor kiina ha ahaato salaam ka dib goobaha ama xafladaha caalamka la iskugu imaado ta ugu fadliga badani waa tan.

Ilaahay ayaa fadligii Rasuulkeena Subaanaa (N N K H ) inooga waramay kuwa ka soo hor jeesta hoog iyo halaag ayay la kulmi donaan kuwa raacaan kitaabka ayay midigta ka qaadan doonaan ayuu sheikh C/raxmaan ku soo gabgabeeyay hadalkisii .

Sidoo kale waxa halkaa hadalo waano iyo wacdi isugu jira ka soo jeediyay Xildhibaan Axmed yaasin Sh Cali Ayaanle "Dhamaanteen Waxan halkan u fadhinaa iyadoo inaga run tahay in aan waynayno Rasulkenii Subanaa (N N N K) hadab waxa weeye in aan marwalba ku celelino hadal haynta Rasuulkenii Subanaa Rasuulkenii waxa u yimi Cali oo waxa uu ku yidhi Rasuul Allow Xaaskayga Caruurtayda iyo Waalidiintayba Marka laga reebo naftayda waan ka jeclahay Markaasu rasuulku ku yidhi, wali iimaankaagu taam maah markii dambe ayuu ku yidhi Naftaydan waan kaa jeclahay Rasuulku markaasu yidhi imikaa iimaankaagu taam yahay markaa waa in ay muxubada rasuulku halkaa inaga gaadhaa inagan .

Dhanka Kale waxa halkaa ka hadlay Siyaasi Aadan Ruush Oo ka mida siyaasiyiinta Somaliland”kolay culimadaa dhamaysay oo anagu waxba kama daba odhanmaynee anaguna waxa aanu leenahay waa in aynu u dhago nuglanaa waynaynbta Xabiibkenii (N N K H) Laakin mid aan siyaasad-sanyin anyaan xukuumada u sheegayaa maanat wax jiro iskuulo ama jaamacado la dhiganayo kuwaan waa in waxa laga qabtaa waayo xeerkeenu waxa uu leeyahay dhamaan dalku waa fasax .

Waxa dhankiisa halkaa hadalo kooban ka soo jeediyay Wasiirka Arimah Gudaha Somaliland Cali waran cade "mudanayaal culimo owdiin jiilak cusub ee halkan fadhiya eek u ababay diinta islaamka dhamaantiin Salaamu alaykum Waa ilaahay mahadii waxa maanat isugu nimi dhalasha waynaynta xabiibkenii Subanaa oo waxa makhraati ah in dhamaanteen muxubo iyo kalgacal u qabno Rasuulkeenii Subanaa waayo inteenaas oo qof ayaa halkaa isugu yimi iyagoo ka go’antay in aan waynayno .

Gabagabdii munaasibadaa waxa soo Af-meeray musharax madaxweyne xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen "Runtii waa maalin qiimo leh Siyaasiyiintana hadal badani halkan ugfama wanaagsan waa maalintii culimada waxaan aad ugu mahad-naqayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay xafladan .



Contact@afkashacabka.com